Solskjaer oo Kulankiisii ugu Horreeyey Tabobare Noqday Tan iyo Markii laga Caydhiyey United

0
256

Tabobarihii hore ee Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa dib ugu soo laabtay garoomada, waxaana uu maamulay ciyaartiisii ugu horreysay tan iyo markii ay Red Devils shaqada ka caydhisay bishii November ee sannadkii hore, markaas oo lagu beddelay Ralf Rangnick oo isaguna dhawr bilood oo kaliya si ku-meelgaadh ah shaqada u hayay, waxaana beddelay Erik ten Hag.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa saddex sannadood oo uu macallin u ahaa Manchester United ay dhamaatay bishii November oo la caydhiyey markii ay Liverpool si xun ugu karbaashtay Old Trafford, hase yeeshee muddo uu dibedda ka joogay garoomada waxa uu dib ugu soo laabtay isaga oo soo qaatay nasiimo badan.

49 jirkan oo waqtigii uu u ciyaarayay Manchester United kula guuleystay lix horyaal oo Premier League ah iyo hal Champions Leage, ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay shaqada tababarenimada, isaga oo toddobaadkii laba ama saddex jeer laylinaya kooxda da’yarta dalkiisa ee Kristiansund oo uu u ciyaaro wiilkiisa Elijah.

Sida uu sheegay Tidens Krav, Solskjaer oo qoyskiisa waqti la qaadanaya ayaa go’aansaday in uu layliyo kooxdan ay ku urursan yihiin ciyaartoyda 14 jirrada ah, waxaana uu usbuucii tababarayaa ugu badnaan saddex maalmood, hase yeeshee shaqadan kuma qaadanayo wax mushahar ah.

Toddobaadkan horraantiisii ayuu kulankiisii koowaad kasoo muuqday Ole Gunnar Solskjaer iyadoo kooxdiisa Kristiansund ay al ciyaaraysay koox yar oo kale.

Leave a Reply