Xisbiga Kulmiye oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Sool.

0
224

Hargeysa (Dawan):-Xisbiga talada dalka haya ee  KULMIYE  ayaa u magacaabay Maxamed Axmed Cali (Darmaan) in uu noqdo Guddoomiyaha  Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool.

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa wareegto uu soo saaray shalay  ku magacaabay  Maxamed Axmed Cali (Darmaan) in uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga ee Gobolka Sool.

Waxaana ay u dhignayd Sidan.

“Maanta(shalay) oo taariikhda tahay 14/9/2022 waxa aan go,aamiyay in aan u magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Xisbiga KULMIYE masuulka magaciisu yahay Mudane Maxamed Axmed Cali (Darmaan).

Waxaan u rejaynayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool in uu  ILLAAHAY Xilkaa la garab galo.”.

 

 

 

Leave a Reply