Dawladda hoose ee Hargeysa oo Digniin u Dirtay Ganacsato Suuq u Xidhan yahay

0
299

Hargeysa (Dawan) Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa,ayaa digniin adag u dirtay ganacsato suug ka mid ah suuqyada caasimadda Hargeysa u xidhan yahay isla markaana guryihii suuqaas laga siiyay ay u xidhan yihiin cidina aanay ku ganacsan.

Guddoomiyaha hantida ma-guurtada ah  ee dawladda hoose caasimadda  Hargeysa Cabdikariim Cali Caydiid, ayaa digniin adag u diray dadka leh dhismayaasha ganacsi ee suuqa Inji, waxaanu faray  in ay sida  ugu  dhakhsaha badan  u furan dhismayaasha ay qufulka ku xidheen.

Waxaanu ku wargeliyay in qofkastaaba  uu bilaabo shaqadii la rabay in lagu qabto dhismahaas, haddii uu ku qaban waayana lagala wareegi doono.

Geesta kale waxa uu sheegay in bishan gudaheeda cidda loogu yimaado iyada oo ay xidhan tahay meheradeeda ganacsi ay tallaabo ka qaadi doonto dawladda hoose.

 

Waxaanu yidhi.“Waxaanu halkan digniin uga diraynaa dhammaan dadka ay guryahaasi u xidhan yihiin ee aan ku shaqeynin ee albaabada u jiiday ee xidhay in bishan gudaheeda haddii ALLE yidhaahdo haddii ay ku soo degi waayaan in aanu tallaabo ka qaadi doono guryahana aanu kala wareegi doono.

Muwaadin goobtan waxa laguu siiyay in aad ku ganacsato, basle laguma siin inay kuu xidhnaato adiga haddii aad ku iman waydo muddada aanu ku qabanay waxaanu kaa qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan.”

 

 

Leave a Reply