Duqa Caasimada Hargeysa oo Kaalmo Raashina Gaadhsiiyay Bukaanada Cisbitaalka Maanka ee Geeska Afrika

0
415

Qaybta labaad ee qormadeena Caafimaadka waxaan ku soo qaadanaynaa duqa caasimada Hargeysa oo kaalmo raashin ah  gaadhsiiyay cisbitaalka dadka maanka ka buka ee Geeska Afrika ee koonfurta caasimadda Hargeysa, isaga oo sheegay in ka dawlad hoose ahaan ay ka go’an tahay garab istaaga dadka maanka ka buka ee cisbitaalkan ku jira.

Cisbitaalka Maanka ee geeska Afrika waxa hirgeliyay hablaha ururka Gaaroodi, iyaga oo ugu talo galay in dadka danyarta ah lagu dabiibo, isla markaana adeeg bixin caafimaad oo bilaash ah ka helaan, marka laga yimaado dadka iyagu awooda inay iska bixiyaan kharashaadka yar ee lagu haynayo qofka.

Cisbitaalkan oo hadda shaqaynayay muddo sannad ah waxa ku xidhan 140 qof, kuwaas oo 130% si lacag la’aan ah adeeg bixintooda caafimaad ku hela.

 

Ma jirto goob kale oo dhaqaale uga yimaado marka laga yimaado haweenka ILLAAHEY dartii u dhisay xaruntan caafimaad balse waa mid isagu is wada.

Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa kaalmo raashina oo kala duwana gaadhsiiyay cisbitaalka maanka ee Geeska Afrika, kaas oo ay ku xidhan yihiin dadka aan xuskoodu dhameyn,  waxaanu bulshada Somaliland iyo umadda muslimiinta ahba ka codsaday in dadka  cisbitaalkaasi ku xidhan la soo caawiyo, isaga oo intaas ku daray in dadka ku jira kaliya aanay ahayn dad reer Hargeysa ah, balse degaanada Somaliland la jaarka ah qaarkood laga keenay.

Waxaanu yidhi.“Cisbitaalka Geeska Afrika waxa loogu adeega dadka maanka ka buka, waxaanan halkan kula kulmay arrin fariin weyn u ah qofkasta oo Soomaali ah, halkan dadka lagu hayaa maaha bulshada reer Somaliland oo kaliya, waxa ku jira bukaada dad laga keenay Jabuuti, waxa ku jira dad ka yimid Puntland, kana mahad sheegtay in cisbitaalkan ay gargaar caafimaad ka heleen, taasina waxa ay caddaynaysa in halkan bini’aadanimo dhammeystirani taalo.

Waxa kale oo na faraxgeliyay niman ehelu xigma ahi in ay halkan joogaan, raashinka yar ee dawladda hoose ay u keentayna iyaga ayaa rogtay, marka rag inta ay bogsadeen garashadoodu ay siinayso raashinka idinku rogta xata.

Anagu waanu dadaali doona hadii ILLAAHEY yidhaahdo, waxkasta oo suuragal ahna dawladda hoose ee Hargeysa waa ay la barbar istaagi doontaa, balse shacabka reer Somaliland iyo dadka islaamka ahba waxaan ka codsanayaa waar haddii aad wax sadaqadaysanayso iyo haddii aad wax la baxaysaba cisbitaalkan meel kaga habboon oo wax lagu bixiya ma jiro,”

Dr. Ciise Cige Cigaal oo isagu ah dhakhaatiirta sida gaarka ah uga hawlgasha cisbitaalka Maanka ee geeska Afrika ayaa duqa caasimada Hargeysa uga mahadceliyay kaalmada raashinka ah ee uu keenay dadka maanka ka buka ee ku xidhan cisbitaalkan.

Geesta kale Dr. Ciise waxa uu sheegay in bukaanada bilkasta ka baxa iyaga oo caafimaad qaba ay gaadhayaan 40, halka kuwa soo galayaana ay yihiin 50.

Waxaanu yidhi.“Maayirka aad iyo aad ayaanu uga mahadcelinayna imaanshiyaha uu yimid cisbitaalkan iyo raashinka kaalmada ah ee uu u keenay dadka halkan ku xidhan.

Cisbitaalkan 140 bukaan ayaa ku jira, bilkastana 40 ayaa ka baxa, 50 na waa ay soo galaan,”

Hinda Ibraahim Haybe guddoomiyaha ururka Garoodi ee gudaha dalka Somaliland, ayaa sheegtay in baahida cisbitaalkan ka jirta aanay fari ka qodnayn, isla markaana ay u baahanyihiin cidkasta oo gacan ka gaysan karta kaalmaynta bukaanada ku jirta cisbitaalkaasi.

Waxaaney tidhi. “Cisbitaalkan baahidiisu aad ayay u faro badan tahay, intii aanu samayn karaynayna waanu sameynay, ILLAAHEY waxaan idiinka baryayna in uu idin barakeeyo idinka iyo dawladda hooseba”

 

Leave a Reply