“Maxaa keena WADNE Xanuunka.”? Dr. Nuux Ismaaciil Bootaan

0
753

Qormadeena  Caafimaadka ee todobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa waraysi aanu la yeelanay Dr Nuux Ismaaciil Bootaan oo ka mid ah dhakhaatiirta  ka hawl gala Cisbitaalka guud ee Hargeysa.

 

Dr Nuux oo ah digtoor ku takhasusay Wadne Xannuunka ayaa waraysi uu siiyay Barnaamijka Caafimaadka ee DAWAN Media Group waxaa uu kaga hadlay Xannuunka Wadnaha ku dhaca.

Waxa uu sheegay Dr. Nuux Ismaaciil in waxyaabaha keena wadna xannuunka ay kow ka yihiin Dhiigkarka, Macaanka, Subagowga, Kelya xannuunka iyo fin hunguriga ka soo baxa.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in waxyaabaha keena wadna xannuunka ay qayb ka yihiin xidiidada wadnaha dhiiga siiya oo yaarada, xidid guntama iyo caabuq ku dhaca xuubka ku dahaadhan wadnaha oo uu xusay in uu bulshada aad ugu badan yahya.

Waxaanu sidan ku sheegay mar uu u waramayay barnaamijka caafimaadka ee  Dawan Media Group.

Waxaanu yidhi.“Wadna xannuunku waa kelmad ballaadhan, marka hore wadnuhu waa muruq, haniyayaal ama carrabada wadnaha iyo xididada wadnaha soo gelaya iyo dabkii wadnaha.

Haddaba wadna xannuunku waxa uu ka iman karaya afarta shay ee aan sheegay, ama muruqa wadnaha, haniyayaasha, dabka wadnaha iyo isku xidhka oo xumaada, xididada wadnaha oo guntama ayaa keenaya wadna xannuunka.

axyaabaha koobaad ee wadnaha xannuunka sababa marka la joogo dalkeena waxa ugu horeeya Dhiikarka, macaanka, subagowga, bulshadeenu subaga laba meelood ayay iskaga qaldaan, beer subag mid la yidhaahdo iyo subaga dhiiga maraya, ee xidida dhiiga qaada yaraynaya, waxa uu yaraynaya dhumucda xididka wadnaha dhiiga  geeya, marka waxa yaraanaya dhiiga wadnaha tagaya, taasina waxa ay keenaysa wadna xannuun.

Sidoo kale waxa wadna xanuunka keena caabuq ku dhaca xuubka ku dahaadhan wadnaha oo isna inagu badan, dhiikarka oo ku dhaca haniiyah ama carabada wadnaha, kelya xannuunku qayb ayay ka yihiin wadna xannuunka, marka jidhkii waa wax isku xidhan oo intaasi oo dhami keeni karayaan.

Waxyaabaha sababi kara wadna xannuunka waxa ka mida Qanja xannuunka, waxaanu ku dhaca inta badan Qanja xannuunku 40 jirka ilaa 50 jirka, marka haddii la dawayn waayo waxa uu keenaya in uu caabuqo xuubka hoose ee wadnuhu ama carabada wadnaha dhiiga siiya.

Way jiraan xannuuno la kalo dhaxlo oo wadna xannuunka keena balse kuwa ugu badan ee keena waa dhiikarka, macaanka iyo subagowga iyo fiixda”

 

La soco todobaadka dambe iyo qaybta labaad ee waraysigan oo uu digtoorku kaga hadlayo arrimo badan oo caafimaadka wadnaha la xidhiidha.

Leave a Reply