Khaladka Daacadda Ah, Haku Digan!

0
259

Markii uu quraacday ee uu lebistay ayuu shaqo tagay. Qolkiisa akhriska ayuu galay waxaana uu ahaa mid boodh badan oo shaashada TV-ga uu boodhku qariyay, waxaana uu kaga tegay muftaaxyadii xafiiskiisa qolkaasi.  Gabadhiisa ayuu ka codsaday inay qolka uga soo saarto  muftaaxyada oo ugu keento xafiiskiisa.

Laakiin markii ay qolka gashay ayay ku aragtay shaashadii TV-ga ee boodhka lahayd qoraalkan oo uu ku qoray: “ Niyad iyo Kalgacal badan ayaan u hayaa Gacaliso”.  Waa ay khriday weedhihiisa, waana ay fahantay ujeedadiisa oo ah baraarujin dhinaca nadaafadda ah.

Muftaaxyadii ayay u qaaday waxaa ay u raacisay fariinta ah :“ Waan fahmay fariintaada, waana aan ku dadaali doonaa nadaafadda, waxaan ku hayaa kalgacal aad u badan”.

Sidaasi ayuu  ninkaa caaqilka ah ee wanaagsani u saxaa xaaskiisa haddii uu khalad ku arko isagoon niyadeeda waxba yeelin, dhaleecayn oo aan canaanan. Khaladka sida daacadnimada u dhaca waa si dhibrsan loo saxo maaha in lagu dheedheelo.

Leave a Reply