“Safiya af iyo Addinba way ku soo Halgantay.”Ibraahin Shiine

0
308

Hargeysa(Dawan):-RABBI  ha u naxariistee waxaa todobadkii hore Hargeysa ku Geeriyootay oo lagu aasay Marxuumad Safiya Cali Yuusuf .

Haddaba waxaan ka waraysanay oo ay muddo dheer soo wada shaqaynayeen Ibraahin Shiine oo ka mid ahaa shaqaalihii ku soo dhaweeyay Radyaw Hargeysa badhtamihii sideetamaadkii oo ay Idaacadda Radyaw Hargeysa kusoo biirtay.

 

Ibraahin Axmed Maxamed (Ibraahin  Shiine) oo ka hadlayay markiiugu horraysay ee ay kulmaan waxaa uu yidhi. “markii ugu horraysay ee aan arkay waxay ahayd 1985 kii waxaanay ka hawl gashay markaa wasaaradda warfaafinta gaar ahaan wakaaladii wararka ee Sona oo uu madax ka ahaa ALLE ha u naxariistee Cabdi Muxumed Xarbi.

Waxaanay qori jirtay wararka gobolada waqooyi ee ay soo diraan wariyeyaasha goboladu iyadoo da’yar ayay shaqada halkaa ka bilawday,waxaanay ciyaari jirtay kubadda kolayga waxaanay u ciyaari jirtay naadigii Biibsiga.

Intaa ka dib waxay ku biirtay Raadyaw Hargeysa,barnaamijyadii ay tebin jirtay waxaa ka mid ahaa Imaqashii I madadaali,waxbarashada,arrimaha qoyska.

Waxaa kale oo ay ahayd wariye isla markiiba la qabsatay shaqada oo u wanaagsan tebinta wararka iyo Barnaamijyada.”

Marxuumad Safiya xilligaa waxay ahayd inanta ugu caansan hablihii dhallinyarada ahaa eek a hawl galayay raadyaw Hargeysa.

Marxuumad Safiya Cali Yuusuf ALLE ha u naxariistee iyadoo sidii shaqada ugu jirta ayuu Hargeysa ka dhacay dagaalkii gudagalka SNM ee 88 ay ku soo galeen gobolada dalka qaarkood.

Ibraahin Shiine oo marxaladdaa ka hadlayay waxaa uu yidhi. “isla markiiba waxay ahayd dadkii hormuudka ka noqday halganka ee taageeradii ugu horraysay u fidiyay SNM.waxaanay ka qayb qaadatay taakulayntii dhaawaca iyo raashin siintii jabhadda.

Markii laga baxay magaalooyinka waxay Safiya la soo baxday khibrad ay hore u baratay oo ahayd gurmadka caafimaadka deg degga ah waxaanay dawayn jirtay dhaawaca la keeno Balli-gubadle,halkaas oo ay isku barteen ALLE ha u naxariistee Saygeedii Mahad Maxamuud oo ka mdi ahaa dhaawicii ay ku dawayn jirtay Balli-gubadle.

Bilawgii 1989-kii ayaa la keenay Balli-gubadle idaacaddii ku hadli jirtay magaca Jabhadda SNM ee Raadyaw SNM. ALLE ha u naxafiistee Safiya waxay ka mid ahayd aasaasayaashii Idaacadda SNM oo xarunteedu Balli-gubadle ay ahayd waxaanay hormuud ka noqotay wariyeyaashii idaacadda SNM oo halganka halkaa ka hurinayay.

Waxay noqotay wariye tebiya wararkii iyo Barnaamijyadii ka bixi jiray Idaacadda.

Waxay safarro ugu baxday iyadoo halganka qaybteena ka qaadanaysa xeryihii ay degenaayeen ciidamada SNM ee fadhiisimada hore bari illaa galbeed iyo xeryihii qaxooontiga oo ay ka so diyaarin jirtay xaaladaha ka jira ee kala duwan.

1989- ayay Marxuumad Safiya Oori noqotay oo ay is guursadeen ALLE ha u naxariistee Mahad Maxamuud oo ay isu dhalee 7 carruur ah 4 wiil iyo saddex hablood.”

 

Ibraahin Shiine oo ka hdlayay habeenkii ugu hooraysay ee Idacadda SNM Hargeysa ay ka hadasho ee dalka la xoreeyay ayaa yidhi. “Habeenkii ugu horreeyay ee Idaacaddii SMN Hargeysa ay ka hadasho ee dalka la xoreeyay waxaa warka ku jirtay iyo xidhiidhintaba ALLE ha u naxariistee Marxuumad Safiya Cali Yuusuf,waxaanay tidhi Halkani waa raadyaw Hargeysa codka jabhadda wddaniga dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM.”

Safiya Cali Suusuf markii saygeedu geeriyooday waxay dhexda u xidhatay halganka nolosha ee qoyskeeda iyadoo dhanka kale qaranka dib u dhiskiisa iyo horumarkiisana ka shaqaynaysay,waxay ahayd qof ALLE ka cabsi badan dadka caawisa gacan furan ehlu cibaado ah oo umadda waxtarta.

Waxay ka mid ahayd shaqaalaha ugu fiican wasaaradda warfaafinta waxay ka mid ahayd aasaaseyaasha ururka suxufiyiinta hablaha ee WIJA waxa kale oo ay ka soo shaqaysay hay’adda saxan saxo iyo BBC media Action oo ay geeriyooday iyadoo ka mid ah.

Halgankii ay bilawday iyadoo da’yar ayay wali ku jirtay waxaanay kaalin wayn oo muuqata ka qaadatay dib u dhiska dalka iyo soosaarista jiilal dhallinyaro ah oo dhanka warbaahinta usoo baxay,waxay ahayd qof karti badan oo awood u leh in ay hal maalin ka wada hawl gasho dhawr shaqo oo kala dawan.

Waxay ka mid ahayd hooyooyinka Saxaaafadda Somaliland iyo wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi gelinta.

ALLE ha u naxariisto Marxuumad Safiya Cali Yuusuf,dhammaan intay ka baxday oo qoys warbaahin iyo qaranka Somaliland bana ALLE Samir iyo iimaan haka siiyo

 

 

 

 

 

Leave a Reply