Soo Dhawayntii Madaxweynaha iyo Weftigiisa ee Oodweyne iyo Kormeerka iyo Xadhig ka Jarka Mashaariic Xukuumaddu Hirgelisay

0
536

“Anniga, Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe, Gaboose iyo kuwa kale colaad noo dhexeysa ma jirto,” Madaxweyne Md. Muuse

Oodweyne-(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo maraya gobolada bariga dalka,ayaa  gobolka Daad-madheedh,  shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne iyo deegaanno kale oo hoos yimaadda.

Kumannaan ka mid shacabka ku dhaqan magaalada Oodweyne oo ay hoggaaminayaan maamulka gobolka, iyo degmada, cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo sawirka Madaxweynaha, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay dhinaca Bari ee magaalada Oodweyne, iyaga oo socod lug ahna kusoo mariyey shaaracyada kala duwan ee magaalada.

Madaxweynaha iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminayo oo shacabka reer Oodweyne kala hadlay goob fagaare ah, ayaa uga mahadceliyey sida gobonnimada leh ee ay usoo dhaweeyeen.

Salaadiin iyo madax-dhaqameedka deegaanka, maamulka gobolka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha qaranka uga mahadnaqay imaanshiyihiisa Oodweyne, waxanay sharraxeen waxqabadka ballaadhan ee xukuumaddu ka hirgelisay guud ahaanba gobolka Daad-madheedh.

Wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta qaranka, Xannaannada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Dr. Axmed Aadan Buuxane iyo Mudane Siciid Sulub Maxamed oo madasha ka hadlay, ayaa bulshada reer Oodweyne uga mahadnaqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha qaranka iyo weftigiisa, waxanay tilmaameen in xukuumaddu si weyn ugu hagarbaxday horumarinta iyo waxqabashada gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Oodweyne, ayaa ugu horrayn uga mahadnaqay sida heerka sare ah ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxaanu hoosta ka xarriiqay in soo dhaweynta iyo gobonnimaduba astaan u yihiin reer Oodweyne.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyaa mar kastaba diyaar u tahay in dalka laga qabto doorashooyinka qorshaysan, waxaanu isagoo ka hadlaya dimoqraadiyadda uu sheegay in Doorashooyinka iyo ololahooda ay hadalo xanaf leh wax aynaan u baahnan inaga soo baxaan, “horta siyaasiyiintu waa saaxiibbo, colaadi uma dhexeyso, bulshadu waa inay sidaa ogaadaan,

Anniga, Cabdiraxmaan Cirro, Faysal Cali Waraabe, Gaboose iyo kuwa kale colaad noo dhexeysaa ma jirto, waxa lagu murmayo waa dalka sidan ayaa u roon iyo sidaa ayaa u roon, waa nasiib daro in dhallinyarada iyo dadka caadifiyiintu colaad ka qaadaan”

\Deegaannada Ceel-xume iyo Ceeg-Bilcille, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku jooga gobolka Daad-madheedh.

Dhinaca kale Madaxweynaha  oo ay weheliyaan maamulka Gobolka xubno ka mid ah golaha wasiirada madaxdhaqameed,ayaa soo kormeeray dhaam biyood wayn oo Xukuumaddu ka waddo Xarunta gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne isla markaana u kuur galay halka ay hawsha Dhaamku marayso.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha Qaranku xadhiga ka jaray xarunta wasaaradda xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga ee Daad-madheedh ee Oodwayne oo wasaaraddu dhisme cusub u dhistay.

 

Leave a Reply