Natiijadii Imtixaanka Shahaadiga ah oo la Shaaciyey iyo Macalimmiin Dacwad Waajahaya

0
423

Hargeysa-(Dawan):- Natiijadii imtixaanada shahaadiga ah ee 21/22, oo la shaaciyey ayaa muujisay in ardayda dhigta dugsiyadda Dawladdu kaalmaha ugu horreeya ku soo baxeen sannadkan.

 

Munaasibadda lagaga dhawaaqay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiyada sare iyo sideedaad ee dugsiyada dhexe,ayaa markii ugu horraysay laga sheegay macalimiin ka baxay anshaxa illaalinta Imtixaanka oo ardayda qaar gacan ku siiyay uan fududeeyay in ay qishaan Imtixaanka.

Macalimiinta ardayda qishka ka gacan siiyay ayuu sheegay guddoomiyaha xafiiska Imtixaanka Qaranku in ay maxkamad u gudbinayaan.

Munaasibad lagu shaacinayey natiijada imtixaanadii dugsiyadda Sare iyo Fasalada Sideedaad ee sannad dugsiyeedkii 2011-2022 oo Wasiirka Waxbarashada, Wasiir-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaarada iyo warbaahintu goobjoog ahaayeen khamiistii ayuu fariin  ugu jeediyey waalidiinta inay ubadkooda ku barbaariyaan guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranku

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Mudane. Da’ud Axmed Faarax oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay xogahooda hayaan qaar ka tirsan macalimiinta dalka oo gacan ka geystay in ardayda u fududeeyaan qishka imtixaannadii shahaadiga, ahaa isla markaana sheegay haddaan wadajir looga hortegin in ay dhaawaci doonto horumarka dalka, waxaanu yidhi,

“Haddii ardaydii sannadkan fasalka afraad gashay hadday ku fikiraan in ehelkeedu u soo iibiyo mobile ay imtixaanka ku qishaan waxay mushkilad ku noqonaysaa nafteeda iyo dalka.”

Gudoomiyaha oo ka hadlayey in waalidiinta qaarkood caqabad u arkaan sababta xafiiska imtixaanaadku u dabargoynayaan mobilada ardaydu qishka u adeegsadaan ayaa sheegay inay doonayaan sidii ay dalka ugu soo bixi lahaayeen arday aqoon leh oo berri dhakhaatiir, injineero iyo aqoonyahanadii dalka horumarin lahaa uga soo bixi lahaayeen.

“Dal hadii la baabi’inayo uma baahna dhaqaale badan, keliya waa inaad ardayda u ogolaato qishka imtixaanaadka.” Ayuu sheegay Gud Da’ud.

Gud Da’ud ayaa sheegay inay xogahooda hayaan qaar ka tirsan macalimiinta dalka oo kaalin ka qaatay in ardayda qaarkood in ay u fududeeyaan qishka imtixaanada, isla markaana dacwadooda maxkamadaha u gudbin doonaan.

“Illaa shan boqol oo macalin oo qishka imtixaanaadka gacan ku lahaa ayuu xafiiska imtixaanaadku xogtooda hayaa, Maxmadaha ayaan u gudbinaynaa.”

Sannadkan mobilada iyo saacadaha ardaydu u adeegsanayeen inay imtixaanada ku qishaan ee ay gacanta ku dhigeen xadigoodu kun sare ayey u dhaafayaan ayuu sheegay gud Da’ud, waxaanu madaxda Wasaarada u soo jeediyey inay go’aan ka gaadhaan.

Wuxuu kula dardaarmay waalidiinta inay xil weyn iska saaraan sidii ay ubadkooda ugu barbarian lahaayeen barashada casharadooda, ugana digaan inay qishka imtixaanada, gacan na aanay ku siin.

Guddoomiye Da’ud ayaa sheegay in dugsiyada sare imtixaankiisa in ay u fadhiisteen 13, 784 arday, ayaa 460 arday aanay gaadhin natiijadii lagu gudbayey, halka 97% ardaydii ay gudbeen, sidoo kale imtixaankii fasalada sideedaad  oo ay fadhiisteen arday gaadhaysa 22,971 ayaa 1,331 aanay gudbin.

 

 

Leave a Reply