Siyaasi U Jawaabay Boqor Buurmadaw

0
228

Hargeysa(Dawan):-Siyaasi Axmed Cabdale  Digaale ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Boqor Cismaan AwMaxamuud Buurmdaw, waxaanu sheegay in aanu burburin karin dalka  Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw,waxaanu xusay in  Somaliland ay soo dhaaftay wakhtigii hanjabaad wax loogu dhimi karayay Dawladnimadeeda.

Qoraal  uu soo saaray  Siyaasiga Axmed Digaale ayaa nasiib darro ku tilmaamay in shakhsi Madaxdhaqameed sheeganaya ay ka soo yeedhaan hadallo wax loogu dhimayo Nabedgalyada dalka.waxaana uu usoo jeediyay  Buurmadaw in uu ka waantoobo dhawaaqyada  ka soo yeedhay.

Siyaasiga Axmed Cabdale ayaa sheegay in Madaxdhaqameedka loo doortay danaha reeraha ee aanay shaqadooda ahayn in  ay  faraha la soo galaan arimaha Siyaasada.

Leave a Reply