Haramcadka Oo Dib Ugu Soo Laabtay Hindiya 70 Sano Kadib

0
343

Todobaatan sano oo Haramcadku ka dabar go’ay Hindiya, waxa hadda muuqata dedaal lagu soo celinayo.

Sideed xabo oo waaweyn oo laga keenay Namibia ayaa safar dheer galay sabtidii ka dib markii diyaarad xamuul ah oo loo kireeyey ay u qaaday magaalada Gwalior ee waqooyiga Hindiya, waa qayb ka mid ah hammi iyo qorshe la doonayo in dib loogu soo celiyo haramcadka dalkan ku yaal Koonfurta Aasiya.

Gurigan cusub ee hadda lagu abuurayo Haramcadka waa: Beerta qaranka fidsan ee ku taal badhtamaha Hindiya halkaas oo saynisyahannadu rajaynayaan in xayawaankan ugu orodka badan adduunka uu mar kale dhex mushaaxo oo ku dhaqamo.

Raiisel wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku sii daayay bisadahan xayndaabkooda subaxnimadii Sabtidii. Bisadaha ayaa ka soo baxay qafiskii ay ku jireen, iyaga oo digtoon oo si joogto ah u baadhaya deegaankooda cusub

“Marka uu Haramcadku mar kale dib uga muuqdo dhulkan daaqsimeedka ah waxa soo noqon doona wax badan, kala duwanaanshaha noolaha ayaa kordhi doona, dalxiiska deegaankuna wuxuu heli doonaa koboc,” ayuu yidhi Modi.

Haramcadka ayaa mar ku baahay Hindiya, wuxuuna ka dabar-go’ay 1952-kii ugaadhsi iyo deegaanka oo uu meel ka waayey. Waxay weli yihiin xayawaanka kaliya ee ku dabar go’ay arrimaha la sheegay tan iyo xornimada Hindiya 1947. Hindiya waxay rajaynaysaa soo qaadashada haramcad Afrikaan ah inay caawin doonto dedaallada lagu ilaalinayo xayawaanada khatarta ku jira iyo dhul-daaqsimeedka inta badan la dayacay.

In ka yar 7,000 oo haramcad ah ayaa ku hadhay duurjoogta adduunka oo dhan, waxayna hadda ku nool yihiin wax ka yar boqolkiiba 9% dhulkii asalka u ahaan jiray. Hoos u dhaca deegaanka, oo ay keentay korodhka tirada dadka iyo isbeddelka cimilada, ayaa khatar aad u weyn ku haya dhul-daaqsimeedka Hindiya iyo kaymaha oo guryo ku habboon u noqonka Bisadaha waaweyn, ayay tidhi Laurie Marker, oo ka tirsan Sanduuqa Ilaalinta Cheetah, koox u doodid iyo cilmi-baadhis oo gacan ka geysaneysa keenaya bisadaha Hindiya.

“Si loo badbaadiyo haramcadka dabar go’a, waxaan u baahanahay inaan u abuurno meelo joogto ah oo dhulka ah,” ayay tidhi.

Tirada Shabeelka ee waddammada intooda badan way sii yaraanaysaa. Waxa taas ka reeban Koonfur Afrika oo bisadihii ka dhamaaday meel bannaan. Khubaradu waxay rajeynayaan in kaymaha Hindiya ay siin karaan bisadahan meel bannaan oo ay ku koraan. Dalka Koonfur Afrika waxaa hadda lagu karantiilay dhowr iyo toban Haramcad, waxaana la filayaa in dhawaan ay soo gaaraan Beerta Qaranka ee Kuno. Horaantii bishan, afar Haramcad oo lagu qabtay kaydad ku yaalla Koonfur Afrika ayaa loo duuliyay Mozambique, halkaas oo tirada Haramcadku aad hoos ugu dhacday.

Siddeeddan Haramcad ee laga keenay Namibia waxa lagu karantiilay xarun ku taal beerta qaranka halkaas oo lagu ilaalin jiray muddo bil ah si loo hubiyo in ay sitaan wax cayayaanka. Kadibna waxaa lagu sii daayey beertan si looga caawiyo inay la qabsadaan deegaankooda cusub. Beerta waxaa ku jira ugaadhsi dabiici ah – sida deerada, kuwaas oo saynisyahannadu ay rajeynayaan inay baran doonaan ugaadhsiga.

Haramcadkan waxa lagu xidhi doonaa qalabka lagula socon doono dhaqdhaqaaqooda, laakiin inta badan, iyagaa iskood u ahaan doona.

Leave a Reply