Arrin Kasta Waa Lammaane Iska Soo Horjeeda!

0
275

George Bernard wuxu ahaa qoraa u dhashay dalka Ireland dhamaadkii qarnigii 19aad wuxu ahaa raga aad wax uga qoray suugaanta, cilmiga bulshada iyo siyaasadda.  Waxaana uu ka mid ahaa kooxdii abuurtay urur  u dooda dadka saboolka ah. Odhaahda hadalka iyo jawaabaheeda ayuu si dhakhso ah u heli jiray marka qof kasta wax weydiiyo.

Maalin ayay gabadhi ku tidhi :”George haddii aan is guursano ka waran? George ayaa ugu jawaabay oo maxaynu ka faa’iidaynaa?

Gabadhii ayaa ku jawaabtay :” waxa aynu iska dhali caruur caqli badan sidaada, oo haddana qurux badan sidayda?,  Isaguna wuxu ugu jawaabay :” Ka waran hadday sida kaleba u dhacdo oo aynu iska dhalo , Caruur sidaada caqli xun, oo sidaydana fool xun”. Wuxu ahaa nin dhuuban oo gadhweyn oo madaxiisu aanu timo lahayn. Waxaana uu u muujiyay in sida ay jeceshahay iyo arinka ay neceb tahayba ay yihiin kuwo siman oo aan cidina damaanad qaadi Karin in ay u dhacdo sida ay rabto.

Maalin kale nin maalqabeen ah oo ka cadhaysnaa dadka danyarta ah ee uu doodo ayaa ku yidhi :” “George, maxaad maalin walba lacagta iyo dadka hodonka ah u hadal haysaa oo wax uga qortaa oo wargeysyada iyo warbaahinta u gelisa?’.

Wuxu ugu jawaabay “ maxaad jeclayd inaan ka hadalo”? Hantiilaha ayaa ku yidhi :” Akhlaaqda iyo naxariista”.  Waxaana uu ku yidhi :” Waa waxa ka maqan adiga”.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply