Qaylo dhaan ka dhalatay martiqaadka Amiirka Sacuudiga ee aaska Boqorada

0
1139

Casuumad ay Britain u fidisay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, si uu uga qeyb galo aaska Boqorada, ayaa dhalisay duufaano mudaaharaad ah oo uga imanaya dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha.

Warbixin sir ah oo ay soo saartay CIA-da ayaa lagu soo sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga uu oggolaaday dilka iyo googoynta saxafigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul sanadkii 2018-kii.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga iyo dowladiisa ayaa beeniyey arrinkaas, balse waxaa looga arkayey wadamada reer galbeedka danbiile, tan iyo wakhtigaasna muu tagin Ingiriiska, balse hadda ayaa lagu martiqaaday Aaska.

Afhayeen u hadlay safaaradda Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in amiirka oo loo yaqaan “MBS” uu iman doono London dhamaadka todobaadkan, balse ma cadda in uu ka qeyb gali doono aaska dhabta ah maalinta Isniinta ah.

Hatice Gengiz, oo ah gabadhii u doonanayd weriyaha Sucuudiga ah ee la dilay, ayaa sheegtay in martiqaadka loo fidiyay ay ceeb ku tahay xusuusta boqoradda Elizabeth II. Waxay ku baaqday in la xidho marka uu ka soo degayo London, inkasta oo ay ka shakisay inay taasi dhici doonto.

Kooxda cadaadiska ee Campaign Against the Arms Trade (CAAT) ayaa Sacuudiga iyo boqortooyooyinka kale ee Khaliijka ku eedeeyeen inay aaska Boqorada u adeegsadaan qaab ay ku daboolaan diiwaankooda xuquuqul insaanka.

Kooxda ayaa ku qiyaastay tan iyo markii uu bilowday dagaalka masiibada ah ee Yemen sideed sano ka hor, in Britain ay ka iibisay xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo ee ka dagaalamaya halkaas in ka badan $23bn oo hub ah.

Xorriyadii siyaasadeed ee yaraa ayaa sidoo kale gabi ahaanba meesha ka baxday tan iyo markii MBS uu noqday dhaxal sugaha 2017, iyada oo xukuno xabsi oo aad u culus lagu riday dadka dhaleeceeya dowladda, xitaa kaliya baraha bulshada.

Isla mar ahaantaana, si ka horimanaysa waxa uu gudaha ka samaynayo amiirka taajka lihi waxa uu bilaabay barnaamij ballaadhan oo ah xoraynta bulshada. Shineemooyinka iyo madadaalada dadweynaha, oo muddo dheer laga mamnuucay Boqortooyada Sacuudiga, maadaama loo arko “wax ka baxsan Islaamka”, ayaa dib loo furay.

Amarka MBS, dumarka hadda waa loo ogol yahay inay baabuur wadaan, boqortooyada saxaraha ahna waxay soo bandhigtay ciyaaraha caalamiga ah iyo dhacdooyinka muusiga, oo ay ku jirto riwaayad uu sameeyay DJ David Guetta.

Sacuudi Carabiya, inkastoo si weyn loo dhaleeceeyo heerka xuquuqul insaanka, ayaa weli ah xulafada adag ee Britain ee gacanka, halkaas oo ay reer galbeedku u arkaan inay ka difaacayaan isbalaadhinta gardarada ah ee Iran.

Waxa ay iibsata hubka reer galbeedka, waxa ay shaqaalaysiisaa kumanaan shaqaale ajaanib ah, waxa ay martigelisaa acmaasha xajka ee sanadlaha ah, waxa aanay gacan ka geysataa in ay joogto qiimaha saliidda. Dhammaan kuwaas oo qayb ahaan sharaxaya sababta dhaleeceynta caalamiga ah ee amiirka looga aamusay ugu badnaan.

 

Leave a Reply