Wasaaradda Deegaanka iyo D/Hoose ee Hargaysa oo Barnaamij Dhir Beeris ah ka Fuliyay Dooxa Dhex Mara Caasimadda

0
479

Geedka Gobka ayaa la tilmaamaa inuu ka mid yahay dhirta ka baxda ee caanka ku ah guud ahaanba geyiga Soomaalidu degto, kaasoo ay bulshadu siyaabo kala duwan uga manaafacaadsadaan waxtar kala duwan na u leh.

Waxaana muuqatay in sodonkii sanadood ee u danbeeyay geedka Gobku uu ka mid yahay dhirta ka sii dabar go’aysa degaamadeena, arrintaasi oo ka dhalatay saamayn xun ee xaalufka degaanka ee ay dhulkeenna ku keentay isbedelka cimiladu.

Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, d/hose ee caasimadda Hargeysa Ururka Sefa iyo Arday ka qalin jebiyay jaamacada Gollis ee magaaladda Hargaysa, ayaa 6-dii bishan September, waxay si wada jir ah dooxa weyn ee dhex mara caasimadda Hargeisa ka fuliyay mashruuc dhir beeris ah.

Barmaamijkaasi oo ay Ardaydaasi ku Beeraayeen Dhir fara badan ayay ugu magac dareen “Qalin jebi oo Geed beer” ayaa lagu beeray in ka badan 500 oo geed oo Gob ah, iyadoona dhir beeristaasi ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin kala duwan.

Munaasibadaasi waxaa ka qayb galay agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda deegaanka C/kariin Aadan Cade, maayarka caasimadda Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, xubno ka socday ururka Sefa, iyo ardaydaasi ka qalin jebiyay jaamacadda Golis, iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday jaamcaadda Gollis.

Agaasimihii guud ee hore ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland C/kariin Aada Cadde, oo ka warbixiyay dhirtaasi ay beereen ayaa sheegay in dhirtaasi ay beereen ay isugu jirto qayb ay iyagu wasaarad ahaan hore u beereen, iyo qayb ay ururka SEFA keeneen.

Waxaanu agaasimihii hore ee wasaaradda Deegaanku tilmaamay in ilaalinta iyo daryeelka dhirtaasi ay ku beereen dooxa Hargaysa in dawladda hoose ee caasimadu ay balan qaadeen in ay iyagu masuuliyadeedda qaateen.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Maanta (6-dii bishan), waxaa wada shaqaynaya urur dhalinyaro oo iyadu is-xil-qaamay, oo inta ay wasaaradda noogu yimaadeen noo keenay Siidhkii geedka Gobka.

Wasaaradda Deegaanka oo Gobkii ay ururka dhalinyaradu keeneen, iyo ku aanu anagu hore u beernay labada ba, iyo ardaydii qalin jebiyay oo wadda in ay gacantoodda ku beeraan, iyadoo dawladda hoose ee Hargaysa, oo uu ugu horeeyo duqa caasimadu, ay balan qaadeen in ay ilaalinayaan dhirtaasi”.

C/kariin Aadan Cadde, waxa kaloo uu sheegay in barnaamijkaasi ay ku beereen dhir gaadhaysa 500 oo geed oo Gob ah, isagoona xusay in ay ka wasaarad ahaan ku dedaalayaan in ay soo saaraan dhir kaloo intaa ka badan.

“500 oo geed oo Gob ah ayaana maanta la beeray. Gobku waa geedka ugu mudan, ee guud ahaanba dhirta geyiga Soomaalida ka baxda, ka wasaarad ahaana waanu ku dedaalaynaa in aanu soo saarno, intan iyo in kaloo ka badan ba” ayuu yidhi C/kariin Aadan Cadde.

Geesta kale maayarka caasimadda Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in geedka Gobka oo berigii hore aad uga bixi jiray dooxa dhex mara caasimadda inuu ka dabar go’ay, isla markaana uu bedelax geedka Garanwaaga oo si weyn u qabsaday dooxa.

Waxaanu yidhi, “Geedkan Gobka, oo lagu yaqaanay inuu ka baxo dooxa Hargaysa, balse imika ka sii dabar go’aya, Gobkii na Garanwaa baa bedelay. Geedka Garanwaagu, wuxuu u baahan yahay in aynu dabar jarno, halka aynu ka goyna na, in aynu ku beerno geed kaloo manaafacaad leh, oo ah geedka Gobka in aynu ku beerno”.

Sidoo kale maayar Mooge, ayaa dhalinyaradda ka qalin jebiyay jaamacadda Gollis ee dhir beeristaasi sameeyay uga mahad celiyay hal-abuurka ay la yimaadeen, oo uu ku tilmaamay mid aanay weli cidi la iman iyaga hor tood.

“Hal-abuurkan aad la timaadeen, ee qiimaha leh, ee wadaniyadda leh, aad iyo aad baan idiinkaga mahad naqayaa. Hal-abuur aan cidi na la iman weeyaan, qalin jebi oo geed beer.

Ururka dhalinyaradda ee SEFA, oo iyaguna dedaalkani qayb ka ah, aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa. Anagu na Garanwaagan dooxa qabsaday, waanu ka dabar jaraynaa. Dhirtan Gobka ee aan maanta beernayna, shaqaalahayaga dooxa ku qoran ayaa ilaalin doona, biyo joogto ahna way heli doonaan, oo waa la warraabin doonaa” ayuu yidhi maayarka Hargaysa C/kariin Axmed Mooge.

 

Leave a Reply