Todobbaadkii 15aad ee Horyaalka Caasimadda iyo Xidhiidhka Kubadda Cagta oo Kulan la Yeeshay Madaxda Naadiyada

0
362

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Fu’aad Axmed Cali oo uu wehelinayo Guddoomiye ku-xigeenka Xidhiidhkaas Khadar Xusen Jamac ayaa kulan is-xog wareysi ah la yeeshay maamulka naadiyada heerka 1aad ee Caasimadda.

Kulanka oo lagu gorfaynayey habsami u socodka iyo hanaanka horyaalka 1aad ee caasimadda ayaa toddobaadkiiba hal mar ka qabsooma xarunta guud ee xidhiidhka kubadda cagta Somaliland.

Maamulka naadiyada iyo masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagtu Somaliland ayaa si wanaagsan iskula qaatay hanaanka iyo habsami usocodka la doonayo inay ciyaaraha caasimaddu u socdaan.

Guud ahaan dalka Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa si isdaba joog ah looga qabanayay ciyaaraha kubadda cagta heerarkeeda kala duwan, hadday tahay horyaallada gobollada iyo degmooyin ee heerarka kala sareeya.

Waxaana caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka socda horyaallada kala duwan ee heerarka kubadda cagta, kuwaasoo galay todobbaadkoodii 15aad.

Leave a Reply