Arsenal oo loo Sheegay in Gabriel Jesus aanu Ciyaari Doonin Kulanka Liverpool

0
273

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo sheegay, in ay suurtogal tahay in xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus uu ka maqnaado kulanka Liverpool ee saddex toddobaad kaddib ka dhici doona Emirates Stadium, kaas oo ay kasoo horreynayaan laba ciyaarood oo kale.

Arsenal oo haysa hoggaanka horyaalka Premier League ayaa October 1, 2022 waxay garoonkeeda Emirates Stadium kusoo dhoweyn doontaa Tottenham Hotspur oo hal dhibic oo kaliya ka hoosaysa, waxaanay ciyaartani ka galaafan kartaa Arsenal weeraryahankooda Gabriel Jesus oo seegi kara kulanka xiga ee Liverpool.

Gabriel Jesus oo toddoba gool oo afar ka mid ah ay yihiin horyaalka Premier League u dhaliyey Arsenal ayaa waxa uu haystaa afar kaadh oo huruud ah, waxaanay tahay in Mikel Arteta uu kala dardaarmo in uu laacibkani iska ilaaliyo in uu kaadh kale qaato kulanka Tottenham.

Haddii uu Jesus is ilaalin waayo oo uu kaadh shanaad qaato, waxa uu waajihi doonaa ganaax hal kulan ah oo uu kaga maqnaan doono ciyaarta horyaalka ee Liverpool ee October 9, waxaana uu noqon doonaa ciyaartoygii labaad ee xilli ciyaareedkan ay shanta kaadh u buuxsamaan ee laga ganaaxo Premier League.

Joao Palhinha ayaa noqday ciyaartoygii koowaad ee xilli ciyaareedkan shanta kaadh u buuxsameen Premier League, kaddib markii kulankii Nottingham Forest uu qaatay kaadh, waxaana raadkiisa raaci kara Gabriel Jesus oo ay adag tahay in Arsenal ay ka maaranto haddii laga ganaaxo.

 

Leave a Reply