Tababar ku saabsan saameynta guurka degdeg ah oo laga daahfuray Hargeysa

0
207

Hargeysa (Dawan) – Ururka Y-PEER oo kaashanaya hay’ada UNFPA ayaa tababar uga furey magaalada Hargeysa hablaha adeegayaasha bulshada ee xaafada Sheekh Cumar kaasi oo ku saabsan saameynta uu guurka degdeg ah ee ku leeyahay hablaha aanan gaarin maskax ahaan dhaqashada qoyska.

Samiira Maxamed Axmed guddoomiye ku xigeenka ururka Y-PEER, ayaa sharaxday muhiimada tabbabarkan.

Waxaaney tidhi.“Ujeedada aynu maanta isugu nimid waa in la idiin tabbabaro sidaad u noqon lahayd dad ku dayasho mudan, oo aynu kaga hortagno waxyaabaha curyaamiyay horumarkeena iyo kor u kaceena dhaqaale ee Somaliland oo ugu horeeyo guurka deg dega ah, ama in uu guursado isaga oo aan gaadhin da’dii qaangaadhka,”

 

Leave a Reply