Xildhibaano Sharci Jebin ku Tilmaamay Go’aankii Golaha Wakiillada Somaliland u Codeeyay

0
234

codeeyay kuna tilmaamay sharci Jebin

 Hargeysa (Dawan) Xildhibaano tiradoodu dhan tahay 46  Mudane, oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa kasoo horjeestay, wax ka bedelkii uu goluhu  ku sameeyay xeerka doorashooyinka.

Xildhibaannada ayaa sharci jabin ku tilmaamay wax ka bedelka uu  goluhu ku sameeyay xeerarka doorashooyinka, iyo meel marinta soojeedintii guddida ganacsatada.

Xikdhibaan Mustafe Khayre oo ka mid ah xildhibaannada ka soo horjeestay go’aankii golgaha ayaa sida warbaahinta la wadaagey..”Dhacdadaasi waxay ahayd qayru-sharci, waliba qayru-sharci lagu tilmaami kari maayee waxan raad-raac sharci lahayn”.

Waxa ay sheegeen in kooramka goluhu aanu buuxin markii shalay(dorraad) ansixintu dhacaysay, isla markaana ay 33 xildhibaan oo kali ahi fadhiyeen, sida si kasoo horjeeda, shirguddoonka ayaa sheegay in golaha ay fadhiyeen 52 xildhibaan.”

Xildhibaannadan ayaa sheegay in ay keeni doonaan mooshin kasoo horjeeda meel marintii golaha, iyaga oo ku hanjabay in xeerka wax ka bedelka lagu sameeyay aanu gaadhi doonin golaha guurtida, oo ay cod ku hor istaagi doonaan.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Isniintii wax ka bedel ku sameeyay xeerka doorashooyinka, isaga oo meel mariyay soojeedintii guddida ganacsatada ee ahayd in la is raaciyo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada.

Leave a Reply