Horyaalka Caasimadda Todobaadka 15aad: Gaashaan oo Saddex Dhibcood kala Hoyatay Kooxda Waxool

0
225

Horyaalka caasimadda (Capital League) oo maraya todobbaadkii 15aad ayaa ciyaar ka mid ahi waxay shalay dhexmartay kooxaha Gaashaan iyo Waxool.

Ciyaartan oo ahayd mid ay labada kooxood soo bandhigeen awooddooda ciyaareed, qaybtii hore ayay labada naadi waxay ciyaareen kubad u badan dhex oo aanay badnayn kubadaha dhinaca, waxaanay taasi meesha ka saartay in qaybtii hore ee ciyaarta wax goolal ah ay keenaan labada dhinac.

Waxaanay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay 0-0 ay labada naadi ku kala baxeen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii la isku laabtay ayay kooxda Gaashaan waxay garoonka la soo gashay kubad ka duwan tii qaybtii hore, waxaanay weerar ay ku bilawdeen ay ku dhaliyeen goolkoodii koowaad, kaasoo uu u saxeexay laacibka Ganto, taasoo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay hogaanka ku qabteen kooxda Gaashaan.

Daqiiqadii 52aad ee isla qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa laacibka Ganto waxa uu dhaliyay goolkii labaad, isagoo kii horena saxeexay, waxaanay ciyaartu noqotay 2-0 ay hogaanka ku soo dheeraysatay kooxda Gaashaan, halka kooxda Waxool ay u muuqatay qaybtii mid uu hoos u dhac ku yimi qaab ciyaareedkeedii.

Daqiiqadii 61aad ayaa laacibka Ganto waxa uu xaqiijistay saddexley oo ciyaarta ku raaxaystay, kaasoo uu ka dhaliyay goolkiisii saddexaad kooxda Waxool, waxaanay ciyaartu noqotay 3-0 ay ku awood sheegtay kooxda Gaashaan.

Kooxda Waxool ayaa weerar halis badnaa oo ay soo qaadeen ayaa waxay ku keeneen gool uu u saxeexay laacibka Axmed Shaafi oo bedel kusoo galay qaybtii dambe ee ciyaarta, waxaanay ciyaartu isku bedeshay 3-1.

Ugu dambayn ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa ku idlaatay 3-1 ay kooxda Gaashaan kaga adkaatay, isla markaana saddexda dhibcood kala kooxda Waxool.

Leave a Reply