Dufcadii Afraad Ee Arday Ka Qalin Jebiyay Jaamacadda Abaarso Tech Ee Hargaysa

0
227

Hargaysa (Dawan): Boqolaal arday ah oo dhamaystay qaybaha kala duwan ee culuumta waxbarasho ee ay bixiso jaamacadda Abaarso Tech ee magaaladda Hargaysa ku taalla ayaa shalay loo qabtay xaflad balaadhan oo qalin jebin ah.

 

Ardaydan qalin bedeshay ayaa noqonaya dufcadii afraad ee waxbarasho heer jaamacadeed ah ka dhamaysta jaamacadda Abaarso Tech, tan iyo markii jaamacadaasi la aasaasay.

Xaflad loo sameeyay qalin jebinta ardaydaasi oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/rasaaq Khaliif Axmed, xildhibaano ka tirsan goleyaasha baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kale waxaa xafladaasi joogay cimawdiin, masuuliyiin ka socday xisbiyadda siyaasadda iyo ururadda siyaasadda Somaliland, iyo maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Abaarso Tech, waalidiinta ardayda qalin jebiyay iyo marti sharaf kaloo tiro badan.

Guddoomiyaha jaamacadda Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise, oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa ugu horayn u mahad celiyay waalidiinta waxbarashadda u ogolaaday ardayda baahiyaha gaarka ah qaba.

Sidoo kale waxaa iyagna halkaa ka hadlay wasiirka wasaarada Gamacsiga iyo Dalxiiska Maxamed Xasan Sacad (saajjn), wasiir ku xigeenka waxbarashadda, sheekh Maxamed Cali Geedi, iyo masuuliyiin kale.

Kuwaasoo dhamaantood ba ku amaanay jaamacadda Abaarso Tech ardayda qaatay heerarka kala duwan ee waxbarashadda jaamacadda ee ay soo saartay.

Waxaanay si gaar ah ugu amaaneen ardayda naafadda ah ee ay jaamacadda Abaarso Tech fursada waxbarasho siisay

 

Leave a Reply