Xildhibaan ka hadlay Waajibaadka ka saaran golaha Guurtida muddo kordhinta Xukuumadda

0
466

Hargeysa(Dawan):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Shaadh oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka hadlay  waajibaadka ka saaran gole ahaan muddo kordhinta muddo xileedka Madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Cismaan Shaadh  ayaa  sheegay in Golaha Guurtida muddo xileedka u kordhin karaan Madaxweynaha,marka Komishanka Doorashooyinka usoo gudbiyaan in aanay qaban karin Doorashada Madaxtooyadda.

Cabdiraxmaan Cismaan oo Arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi”Madaxweynaha waa loo kordhin karaa muddo xileedkiisa shan sano ayaa loogu dari karaa xeer ayaa sheegaya,Ninka doonaya in dawlad la,aan ay dhacdo waxa Golaha Guurtida loo sameeyay in aanay dawlad la, aani dhicin. taas yeeli mayno waa naloo dhaariyay wixii dawladnimada xumaynaya waanu is hortaagaynaa,annaga Komishanka Doorashooyinka ayaa noo soo gudbiya oo yidhaahda Doorashada ma,qaban karayno ee ka soo taliya waxaana aan leeyahay Xamar aynu iska celino innaga ayuunbaa isku soo jeednee,”.

Xildhibaan Shaadh oo hadal kiisa sii wataa Waxa uu yidhi”Xukuumadda iyo Golaha Guurtida  indho qudhaanjo ayay leeyihiin, laakiin Golaha Wakiilada ma arkaan,Xeerkan Nimankii Ganacsatada ahaa ayaa dabada ka riixayay, Golaha Wakiilada ayaa is haysta oo qaarna leeyihiin sharci maaha qaarna leeyihiin waa sharci.xeerkaa talaabo ayaanu ka qaadaynaa  52 Xildhibaan ayay ahaayeen,intii kale dibada  ayay joogtay  arintaasi sida ay u dhacday waala yaab shirguddoonka wuuku khaldanaa,”.

 

 

Leave a Reply