Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Waaberi oo ka Hadlay Doorashooyinka la Lammaaneeyay

0
390

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Waaberi, Cabdirisaaq Ibraahim Ataash ayaa sheegay in aanay suurgal ahayn in mar la wada qabto Doorashooyinka Ururada Siyaasada  iyo ta  Madaxtooyadda.

Cabdirisaaq Ibraahim Ataash oo Shalay u Waramayay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa  sheegay in Xisbiyadda liisanku ka dhacayo 26 bisha December ee fooda innagu soo haysa,

Cabdirisaaq  Ataash oo Arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi”Xisbiyada 26 December ayay ku egtahay sharciyadoodu,mid ka suuragalaya maaha dalka Somaliland qaabka ay u leeyihiin Doorashooyinka ha, laysku sidko,haddii kaligood u tartamaan doorashada Madaxtooyadda haddii saddexdoodaba loo codayn waayo yaa Madaxweyne noqonaya,sidee 30 Xildhibaan inta ay meesha ku curiyaan mooshinka oo soo jeediyay  ugu ansixiyaan waa in caqli deggan dalka loogu fikiro oo aan ahayn  ku xumayn,”.

Sidoo kale Cabdirisaaq Ibraahim Ataash ayaa waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland oo dhan ay ku qanacsan yihiin  in ay sharci tahay Doorashada Ururada Siyaasada.Waxaana uu yidhi

 

Mar uu ka hadlayay doorasahda ururada siyaasadda waxaa uu yidhi.”Dadka reer Somaliland oo dhan ayaa ku qanacsan in ay sharci tahay Doorashada Ururada Siyaasada, xisbiyo  qaran oo Somaliland ku wada jirto oo ay ku midaysantahay majirto
Somaliland haddii aan anigu Madaxweyne ka noqon karin,haddii aan doorasho Madaxweyne isku taagi karin,Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland umay fikirin si qaan-gaadh ah, waxay u fikireen si ka hoosaysa,reernimo nin na ma qancinayso qaranimo u fikira hadii reero iyo ardaayo noqono waynu kala tagaynaa  reer waliba wuu danaysanayaa,”.

 

Leave a Reply