“Somaliland waxay Dhibane u tahay Jaarka xiga ee Soomaaliya oo ah Dal Guuldarraystay Dhinac kasta..” Amb. Tibor Peter Nagy Jr Diblomaasi Maraykan ah oo isku-tolay aqoonsiga Somaliland iyo Danaha dalkiisa ee Gobolka

0
212

 Hargeysa(Dawan)Horumarka jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada Maalgashiga, xasilloonida siyaasadda gudaha, nabadgelyada iyo ahmiyadda istaraatiijiyaddeed ee uu  leeyahay juquraafi ahaan dhulkeedu ayaa sababay inay indhaha diblomaasiyiinta adduunka u noqoto bidhaan soo jiidasho leh oo ay ku cabiraan fahamkooda aqoonneed iyo tilmaamaha ay u qalanto in lagu sifeeyo, iyagoo ku canaanta caalamka sababta loogu ogolaan waayey inay xubin rasmi ah ka noqoto Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, sidoo kalena ay qaarkood kula taliyaan dawladdahooda inay albaabka xidhiidhka tooska ah u furaan dalkan u diyaarsan martigelinta saaxiibo iskaashi la yeesha.

Nidaamka siyaasaddeed ee Somaliland ayaa ah mid hal-xidhaale ku noqday adduunka, qaarada Afrikana u noqday muraayad ay wax ka baran karaan dalalka ay barriinsadeen maamullada gaboobay.

Kaaliyihii hore dawladda Maraykanka u qaabilsana arrimaha Afrika, sidoo kalena safiir uga soo noqday dalalka Ethiopia iyo Gunea Amb. Tibor Peter Nagy Jr oo todobaadkii hore warbixin ku qoray warbaahinta mareegaha caalamka, ayaa si qoto-dheer u lafo-guray guulaha la yaabka leh ee ay Somaliland gaadhay, iyadoo aan helin taageero caalami ah, sababaha u sahlay iyo taariikhda dal ahaaneed ee ay leedahay oo uu si cad u beyaamiyey inay ahayd dal xornimadiisa ka qaatay sannadkii 1960-kii boqortooyada Ingiriiska, kaddibna israac aan la mahadin uu dhex maray Soomaaliya oo  xornimaddeeda ka heshay Waddanka Talyaanig, waxaanu tilmaamay inay Somaliland madaxbanaanideeda mar kale la soo noqotay 1991-kii,kaddib xasuuq iyo burbur laxaadle oo shacbiga goboladeeda ku dhaqan ka soo gaadhay nidaamkii keli-taliska ahaa ee Muqdisho qabsaday 1969-kii.

“Waxa aan aad ugu farxay in aan booqdo goobtan oo kale: Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland – oo ku taal mid ka mid ah qaybaha istaraatiijiyadeed ee hantida maguurtada ah ee dhulka. Ha moodin “Soomaaliya”meesha masiibada ah ee ka fog dabeecadda sare iyo guusha. Dalka Somaliland oo ay ku nool yihiin 7 milyan oo qof ayaa ahaa gumaystihii Ingiriiska, si ka duwan Soomaaliya oo Talyaanigu ka talin jiray, waxayna dhab ahaantii xornimada qaadatay markii ugu horreysay 1960-kii.isla sanadkaas ayey si iskeed ah dawlad israac ah u wada dhisteen Soomaaliya…”ayuu sheegay isagoo ka waramay midhihii xumaaday ee laga dhaxlay israacii labada dal wada galeen xilligaasi oo uu xusay inuu dhalay xasuuq iyo baaba’ loo geystay umadda Somaliland. Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ayuu sidoo kale qaybtan kaga hadlay, waxaanu yidhi“Somaliland waxa aanay haysan waa aqoonsi caalami ah. Si la mid ah Taiwan – oo ay xidhiidh la leeyihiin. Somaliland waxay dhibane u tahay “waaqiciga” juqraafiyeed. Jaarka xiga ee Soomaaliya oo ah dal guuldarraystay dhinac kasta, inkasta oo ay hesho taageero dhaqaale oo caalami ah oo cajiib ah (oo ay ku jiraan ilaa 500 milyan oo doolar sannadkii oo Maraykan ah) iyo caawimo ciidan,  raali kama aha jiritaanka Somaliland, waxaanay ku adkaysanaysaa in ay iyadu sheegato”

 

 

Qoraalka khabiirkan diblomaasiyaddeed oo lagu baahiyey mareego tiro badan, isla markaana uu Ciwaan uga dhigay “Dalka yar ee ugu wanaagsan ee aanad waligaa maqlin”soona turjumay wargeyska Dawan, ayaa qodoba muhiimka ah ee uu kaga hadlay waxa kamida inay dawladda Maraykanka ka go’antahay inay iskaashi buuxa la yeellato Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay hore u dayacday, balse ay wakhtigan ku kala qaybsantahay nooca uu noqonayo xidhiidhkaasi iyo dhinacyada uu tooska u khusayn doono. Waxa uu xusay in uu addis ababa kula kulmay madaxweynihii hore ee Somaliland Alle ha u naxariisto’e Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, halkaasoo uu isagu markaa ka ahaa safiirka dalkiisa u fadhiya Itoobiya. Waxa kale oo uu tilmaamay in midowga Afrika uga gaabiyey aqoonsiga Somaliland sabab ah inuu cabsi ka qabo in wadamada ururkaasi ku bahoobay dadyowga xornimo doonka ah ee ay haystaan fursad helaan, waxaanu yidhi “waxay aqoonsan yihiin Soomaaliya mid ah”, isagoo taasi sifeynayana waxa uu yidhi “Tani waa wax aan macno lahayn sababo kala duwan dartood. Siyaasaddayadu waxay i dhibtay markii aan ahaa Safiirka Itoobiya 2001 oo aan la kulmay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland wax yar ka dib weerarradii argagixisada 9/11. Madaxweyne Cigaal waxa uu ka dhawaajiyey in uu na taageersan yahay oo uu doonayo in aanu iska kaashano la dagaalanka argagixisada. Waxay ahayd inaan idhaahdo “maya”-sababta la yaabka leh ee ah in Somaliland ay aad ugu guulaysatay inay sugto ammaankeeda si aanu Maraykanku u hawlgelin”

Dablomaasigan reer Maraykan ayaa farta ku fiiqay in magaalada Berbera laga hirgeliyey maalgashi baaxadle oo caalami ah oo ay qayb weyn ka yihiin Shirkadda DPWORLD iyo hay’adda horumarinta Maalgashiga ee Dalka Ingiriisku, isagoo xusay dhismaha Dekedda Berbera, madaarka diyaaradaha iyo goobaha kale istaraatiijiga ah, waxaanu iftiimiyey fursada ay Washington ka filayso kamid noqoshadeeda daneeyqayaasha Somaliland.

“maalgashiga Imaaraadka Carabta ee DP-World iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Britain, waa deegaanka ugu habboon ee suurtogalka ah ee suurtogalka ah ee militariga Mareykanka. Dekedda magaalada Berbera waxa kale oo ay yeelatay garoon diyaaradeed cusub oo leh dhabo diyaaradeed oo dhererkeedu yahay 3 mayl. Tani, oo ay weheliso nabadda, xasilloonida, iyo mawqifka xooggan ee u taagan saaxiibtinimada Maraykanka, iyo diidmada shuuciyada ka soo horjeeda ee Shiinaha, ayaa ka dhigaysa lammaane ku habboon Maraykanka. Waxa kale oo jira xubno ka tirsan Congress-ka oo la dhacsan Somaliland, kuwaas oo doonaya inay isbedel ku sameeyaan siyaasadda Maraykanka – laakiin tani maaha mid u muuqata maamulka hadda jira iyo hoggaanka hadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka. Haddaba, waxa laga yaabaa, haddii maamul cusubi ku guulaysto doorashada Madaxtooyada ee soo socota, in ay dhab noqoto riyada Somaliland ee ah in ay noqoto xubin si buuxda loo aqoonsan yahay oo ka mid ah Qaramada midoobay”Waa  hubaal in waddanka Somaliland ka faa’iidaysan karo tababarkeenna sare. Maanta, qaybo ka mid ah dawladeena Maraykanku waxay rabaan inay joojiyaan siyaasadda “Soomaaliya keliya”, iyadoo Pentagon-ka uu aad ugu hammuun qabo inuu la sii shaqeeyo Somaliland. Marka la eego xeebta 500-mayl ee qaranka ee ku teedsan badda muhiimka ah ee Badda Cas  oo maraakiib badan oo dunidu ay maraan oo lagu daray deked cusub oo konteenar ah oo lagu maalgeliyay $ 500 Milyan”ayuu yidhi mar kale, waxaanu raaciyey “

Waxa uu dawladda Maraykanka ku canaantay in cashuurta mawaadiniinta dalkiisu bixiyaan ay ku caawiso dalka fashilmay ee Soomaaliya oo uu sheegay inuu maamullo Ururka Alshabaab, suurtogalna ay tahay jnuu si buuxda ula wareeggo ururkaasi, si lamida Taalibaanka Afgaanistaan ee xukunka la wareegay. Waxa kale oo uu yasay ahmiyadda ay leedahay safaarada Maraykanka ee Muqdisho iyo safiirka joogga oo uu sheegay inuu ku shaqeeyo garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi oo aanu awood u lahayn inuu danaha Maraykanka ka hirgeliyo.

Ambasadoor Tibor Peter Nagy waxa uu walaac ka muujiyey taageerada Maraykanku siiyo Soomaaliya oo uu ku sheegay lacagta ay bixiyaan cashuur-bixiyeyaasha dalkiisa “Dhanka kale, danjiraha saboolka ah ee noo joogga Soomaaliya – waa Afrikaan khibrad leh oo loo magacaabay safiirnimadii seddexaad – wuxuu ku kooban yahay inuu ku noolaado kana shaqeeyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, halka kooxda alshabaab ee Al-Qaacidda ee xidhiidhka la leh  ay sii wadaan inay sii maamulaan dalka oo ay sii fidiyaan maamulkooda, sidii Taalibaan ay ku sameeyeen Afgaanistaan. . Hadday wax jiraan, xaaladaha Soomaaliya way ka sii dari doonaan dawladihii kala dambeeyey ee uu musuqmaasuqa u badnaa oo ay maamulayeen dad aan faraxsanayn iyo kuwa aan waxba galabsan, haddana Maraykanku wuxuu sii wadaa inuu iyaga ku taageero lacagta cashuur bixiyaha Dalkeena” Tibor Peter Nagy, ayaa ah diblomaasi door weyn ku lahaa siyaasadda Maraykanka ee arrimaha dibada, khaasatan tan ku wajahan Afrika, waxaanu maqaalkiisa si mug leh ugu lafo-guray ahmiyadda ay dalkiisa u leedahay xidhiidhka Somaliland.

Leave a Reply