Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dugsi Baahi wayn loo Qabay

0
323

Qore: Faysal Xiis Afgaab

 

Mandheera-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo dhammaystay safar  shaqo oo uu ku tegay gobollada bariga dalka, ayaaa socdaalkiisa gobolada bari ku soo gunaanaday hadhimo-sharafeed loogu sameeyay Madaxweynaha iyo weftiga uu Hoggaaminayay dugsiga hoyga ah ee Dabyl-weyne oo ku yaalla duleedka waqooyi ee tuulada Macaaneeye ee degmada Mandheera.

 

Hadhimo-sharafeedda loo saameeyay Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayay  oo ay soo qabanqaabiyeen hormuudka guddida DAN iyo Duco, ayaa ugu horrayn waxa hadallo ka jeediyey madaxda degmada Mandheera, hoggaanka guddida Dan iyo Duco iyo bahda waxbarashada, waxanay si qoto dheer uga warrameen sida uu dugsigaasi qaybta libaax uga qaatay waxbarashada deegaanka iyo kobcinta maanka iyo maskaxda da’yarta, iyaga oo madaxweynaha ka codsaday inuu kor usii qaado taageerada uu la garab taagan yahay waxbarashada.

Oday Muuse Xirsi Abokor oo ku hadlayay magaca guddida dugsigaas gacanta ku haysa ee DAN iyo DUCO oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey inuu ka aqbalay casuumadda ay u fidiyeen, waxaanu bulshada deegaanka ugu baaqay inay xukuumadda ku taageeraan wax kasta oo horumar ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bulshada deegaanka iyo maamulka dugsigaba uga mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ka qaateen horumarinta waxbarashada, waxaanu kula dardaarmay inay sii labanlaabaan dedaalkooda.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray dhisme cusub oo farsamada gacanta lagu baran doono, kaas oo lagu soo kordhiyey dugsiga hoyga ah ee Dabayl-weyne.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo oo sagaal Maalmood qaatay kusoo maray shan gobo loo ka mid ah gobolada bari ee dalka,ayaa u kuur galay xaaladda noloeed ee dad iyo duunyo isla markaana kulamo lla qaatay waxgaradka waayeelka iyo aqoonyahanka gobolada iyo degmooyinka uu socdaalka shaqo ku soo maray.

Waxaanu gobolad Saaxil,Togdheer,Daad-madheedh,saraar iyo Soo loo dhammaantood uu soo maray xadhigga ka soo jaray ashaariico kala duwan oo Xukuumaddu ka hirgalaysay goboladaas oo laga maal geliyay miisaaniyadda Qaranka.

Waxaa kale oo Madaxweynaha Somaliland uu soo dhagax dhigay mashaariico cusub oo Xukuumaddu ka fulinayso gobolada  Madaxweynaha qaranku  uu socdaalka shaqo ku tegay.

Geesta  kale  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka,dhallinyarada,haweenka,Ayaan u kala hadhin soo dhawaynta Madaxweyhaha iyo Weftigiisa isla markaana caddeeyay sida ay u garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay.

Waxaanay Madaxweynaha uga mahad naqeen mashaariicda kala duwan ee Biyaha,caafimaadka iyo waxbarashadu ugu mudan yihiin ee Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu deegaanada ay deggen yihiin uu ka hir geliyay.

Leave a Reply