Weedha Wargeyska: Dalku uma geli karo Firaaq hogaamineed dan Xisbi

0
425

Hay’adda u sareysa arrimaha Doorashooyinka Dalku waxay sabtidii cayimeen jadwalka qabsoomida Doorashooyinka innagu soo fool leh qayb kamida, gaar ahaan Madaxtooyada oo ay u asteeyeen inay ku qaban karaan muddo sagaal bilood gudahood ah

Cayimaada wakhtiga doorashada madaxtooyaddu, waxay muujinaysaa in la yiqiinsado laba arrimood oo mihiim ah. kuwaasoo kala ah; in dib-u-dhac ku yimi Doorashada madaxtooyada ee qabsoomi lahayd badhtamaha bisha November ee sanadkan oo ay inaga xigto wax ka yar konton maalmood iyo inay khasab tahay in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Qaranka si dalka looga badbaadiyo faaruq hogaamineed (Vacuum), isla markaana la is-waafajiyo xaalada timi iyo waxa uu dastuurku ka qabo.

Sababta keentay dib-u-dhaca Doorashada madaxtooyadda iyo haddii ay ku timaado tan Xisbiyada ee iminka hawsheedu socotaba, isweydiintooda iyo ka jawaabiddoodu maaha mid aynu halkan kaga hadlayno maanta ama dooddeeda in lagu raaggo u baahan, hase yeeshee arrintan u lagu qasban yahay in sharciga lagu jaan-gooyaa warka ka soo baxay guddida Doorashada ee ku salaysan xilliga ay ku hirgelin karaan Doorashada madaxweynaha iyo muddo-xileedka madaxda hay’addaha qaranka ugu saraysa.

Guddida Doorashooyinku waxa kale oo ay warkooda ku dareen inay madaxweynaha u gudbiyeen warbixintooda la xidhiidha arrimaha qabsoomida Doorashada, iyagoo raacaya xeerarka iyo nidaamka wada shaqayneed ee ka dhexeeya. Waxaana sidoo kale go’aankooda laga dareemayaa in muddada ay qabteen loo baahan yahay inay saamileyda siyaasaddu ugu diyaar-garoobaan tartanka doorashada.

Sidaasi awgeed, Madaxweynaha iyo golaha Guurtida waxa la soo gudboonaaday inay go’aamo deg deg ah ka qaataan maareynta arintan Doorashada madaxtooyada ee masiiriga ah oo ay ka gudtaan waajibaadkooda sharci ee ay awoodda u leeyihiin, waxaanay haystaan fursad aad u kooban wakhti ahaan oo laga rabo inay dedajiyaan talaabooyinka ay qaadayaan, hadday tahay wada-tashi qaran oo heshiis lagaga gaadho arrintaas, sullux siyaasaddeed oo laga dhex sameeyo darafyada saamileyda iyo hadday tahay kordhinta muddo-xileedka madaxweynaha.

Marka laga hadlayo sugnaanshiyaha dib-u-dhaca doorashada masuuliyadda madaxweynuhu waa inuu golaha guurtida ku simo jadwalka ay guddida Doorashadu u soo gudbiyaan iyo goggol-wada-tashi u fidiyo daneeyayaasha kale, gaar ahaan asxaabta qaranka si ay heshiis uga gaadhaan fakaaga yimi, hase ahaatee hawsha ugu weyn ee xaalada iminka taagani waa mid u taalla golaha Guurtida, mana aha duruuf cusub oo aan hore u dhici jirin, balse waa mid aynu waayo-arragnimo buuxda u leenahay, inkasta oo soo noqnoqoshadeedu aanay fiicnayn oo ay mar walba nusqaan ku tahay nidaamkeena siyaasaddeed iyo dimuquraadiyada.

Sidaas marka ay tahay, Golaha Guurtida shaqada doorkan  u taallaa waa inay wax ka yar laba todobaad go’aan kaga gaadhaan dib-u-dhaca Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo inay ka hor talabadaasi xaawillaan heshiis mideeya mawaaqiifta asxaabta Qaranka ee iyaga laftooda muddada liisankoodu dhacay bisha December iyo daneeyayaasha kale ee Doorashada, xataa haddii ay qayb ka noqonayaan urur-siyaasaddeedyada cusub ee k-u-meel-gaadhka ahi, kaddibna ay sameeyaan muddo-kordhin doorasho muwaaqifo weheliso.

Guurtida xalinta hawsha baaxaddaasi leh ee hortaallaa, waa mid ka xaasaasisan xeerarka wax-ka-bedelkooda lagaga muransan yahay  golaha Wakiillada ee xeer14/2011 iyo xeer Lr 91/2020 ee todobaadkii hore gaadhay oo ay dad badani u arkaan inay ka horaysiiyaan maareyntooda arrimaha kale ee doorashooyinka dib-u-dhacay. xisbiyada mucaaridka ayaanad moodaa inay aaminsan yihiin sidaasi oo ay danaynayaan waliba, balse haddii aan indhaha layska ridayn waxa sax ah oo mudaneyaasha golaha guurtida looga fadhiyaa inay dalka ka badbaadiyaan firaaq siyaasaddeed ama doorasho, halkii ay ahmiyad siin lahaayeen danaha shakhsiyaad siyaasiyiin ah oo ay masaaliixdooda gaarka ah kala weyn tahay xasiloonida iyo nabad-gelyada qaranka Somaliland, kuwaasoo doonaya inay rabitaankooda ku minjo-xaabiyaan jiritaanka qaranka iyo dabaqaada sharciga, sida in badan laga arko iyagoo fagaareyaasha kaga baanaya.

Haddii aan si kale u iftiimino golaha Guurtida uma taallo inay ku mashquulaan kaabis iyo wax-ka-bedel xeer, iyadoo lagu jiro wakhti waddanku qarka u taagan yahay firaaq ama fakaag doorasho (political Vacuum).

Sidaas awgeed, golaha guurtida waxa la gudboon inay wakhti kooban si qoto dheer ugaga baaraan-deggaan shaqada muddo-kordhinta ee timi, dabadeedna ay sida ugu  dhakhsaha badan u meel-mariyaan go’aan ku jaan-go’an waaqic oo waafi ku ah muddada loogu  diyaar-garowbayo Doorashooyinka soo fool leh.

Xisbiyada Qaranka iyo daneeyayaasha kale ee Doorashooyinka waxa iyagana dhankooda shacbigu uga fadhiyaan in aanay sas iyo buuq hor leh ku abuurin, isla markaana ay dhamaantood aqbalaan in dib-u-dhaca Doorashada  13 November 2022 muddaysanayd ay tahay masuuliyad-wadareed aan cidina gaar u yeellan Karin. Waxa kale oo laga rabaa oo waajib ku ah inay muujiyaan debecsanaan iyo jawi ay miiska wadahadalka ku xalilli karaan khilaafka soo jiitamayey sanadka dhan ee wali taagan, waana inay ogaadaan, kuna biyo cabaan in aanu dalku doonistooda ku geli Karin firaaq siyaasaddeed iyo sharci toona.

 

Leave a Reply