Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo xilka la wareegay

0
536

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Saleeban Yusuf Cali (Koore), ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimihii guud ee hore oo loo bedelay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Agaasimaha guud ee cusub ee wasaaraddaasi, munaasibad balaadhan oo lagu qabtay xarunta maalintii shalay, taasoo kulmisay madaxda iyo shaqaalaha, masuuliyiin ka socday laamaha dawladda iyo martisharaf kale oo miisaan leh.

Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana sida loo bilay laga dareemayey sagootin qiimah leh oo loo sameeyey Agaasimaha hore Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Dawladdaha hoose iyo soo dhaweyn baaxadle ah oo lagu qaabilay Agaasimaha cusub ee wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Cabdikariin Aadan-cadde, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay xubno kamida Agaasime-waaxeedyada Wasaaraddaasi, wakiillo ka socday ururrada Saxaafadda iyo Fanka iyo masuuliyiin ka socday hay’adda dawladda, kuwaasoo shaqo-wanaag, karti iyo hufnaan ku bogaadiyey agaasimaha hore, niyad-sami iyo wada-shaqayn wanaagsana ku soo dhaweeyey Agaasimaha cusub.

Agaasime-waaxeedyada iyo wakiillada ka socday ururrada la shaqeeya Wasaaradda ayaa sheegay inuu agaasime Maxamed Yuusuf ahaa shakhsi aqoon iyo karti u leh fulinta waajibaadka shaqo ee uu hayo, waxaanay ugu duceeyeen inuu alle u fududeeyo xilka cusub ee loo bedelay.

Wasiirka Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan, Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Cabdikariin Xinif, Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, Maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin iyo masuuliyiin kale oo xaflada hadallo ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay wasaaradda warfaafintu halbowle u tahay qaranka, hogaaminteeda iyo maamulkeeduna ka culus yahay xafiisyada xarumaha kale ee dawliga ah badankooda “halka ay wasaaradda gaashaandhiga iyo Ciidamadu ugu jiraan qaranka inay qori ku difaacaan  ayey wasaaradda warfaafintuna ugu jirtaa inay Af ku difaacdo, inay dadka baraarujiso iyo inay gaadhsiiso war hufan oo xaqiiqo ah”ayey iska daba mareen masuuliyiintani.

Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimihii hore ee wasaaradda oo halkaasi ka jeediyey hadal dheer, ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu wasaaradda maamulkeeda hogaaminayey, waxaanu ku dheeraaday horumarin balaadhan oo lagu sameeyey qaybaha warbaahinta Qaranku ka kooban tahay, tayo ahaan, wax-soo-saar ahaan iyo qalab ahaanba. Waxa uu sheegay in dhamaan balaadhin iyo dayac-tir lagu sameeyey Istuudiyeyaasha waaxyaha warbaahinta, gaar ahaan Telefishanka Qaranka iyo Idaacaddaha. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in la soo af-jaray murankii iyo isqabqabsigii wakhtiyadii hore wasaaradda ragaadiyey, isagoo cadeeyey inuu xilka wareejinayo iyadoo ay madaxda iyo shaqaalaha wasaaraddu ku wada shaqeeyaan nidaam lagu wada qanacsan yahay, isla markaana isku ujeedo iyo hadaf qaran la fulinayo, taasoo uu ku amaanay Wasiirka wasaaradda oo uu sheegay inuu ku hogaamiyo siyaasad iyo maamul dheeli-tiran oo daadegsan.

Agaasime Maxamed ayaa ugu dambeyn shaqaalaha wasaaradda ku booriyey inay si fiican ula shaqeeyaan agaasimaha cusub oo uu isagana kula dardaarmay inuu kula dhaqmo debecsanaan maamul, dulqaad iyo cadaalad.

Agaasimaha cusub ee xilka la wareegay Cabdikariin Aadan Cadde oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyey, ayaa uga mahad-naqay wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda sida yihdidiilada iyo niyad-wanaagga ah ee loo soo dhaweeyey, waxaanu balanqaaday inuu hawsha ka sii wadi doono halka ay iminka taagan tahay, isagoo ku shaqaynaya siyaasadda iyo qorshaha wasaaradda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Siciid Xasan Habane ayaa dhinaciisa uga mahad naqay agaasimihii hore muddadii uu wasaaradda joogay, waxaanu tilmaamay inay wasaaradda warfaafinta lagu majeerto ahmiyadda ay qaranka u leedahay “saddex bilood oo aan wasaaradda joogay wali waxaan ku jiraa soo dhaweyn iyo dareen igu dhiiri-gelinaya shaqada oo ay iiga imanaya shaqaalaha”ayuu yidhi Wasiir Habane.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, ahna Afhayeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore) oo munaasibadaasi hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in agaasimaha xilka laga bedelay ahaa mishiin xilkas ah oo u hagar-baxay shaqada wasaaradda, bedelkiisana lagu qiimeyn karo wasaaradda la geeyey. Wasiirka ayaa si qoto dheer uga waramay shaqada baaxada leh ee ay wasaaraddu qaranka u hayso, waxaanu ku tusaaleeyey “waa wasaarada shaqaddeedu tahay farsamo. Farsamadeeddana khalad yar oo dhacay ayuu ka dhashaa  dambi umadda Somaliland oo dhan shan daqiiqo ku wada gaadhi kara. Inay tahay meeshii umadda laga hagayey ayey ku noqotay wasaaraddaha ugu mudnaanta badan qaranka” ayuu yidhi wasiir koore oo intaasi ku daray “Agaasime Maxamed Yuusuf waxaa lagu qiimeyn karaa shaqada balaadhan ee uu wasaaradda ka qabtay, in loo bedelay wasaarad kale oo kamida kuwa ugu mudan qaranka”

Wasiirka ayaa u muujiyey soo dhaweyn iyo inuu si lamida agaasimihii hore ula shaqayn doono agaasimaha cusub, isagoo ugu dambeyn xilka u kala wareejiyey labada agaasime.

Agaasime Cabdikariin Aadan Cadde ayaa hore u ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo duur-joogta.

Munaasibadan, ayaa waxyaabaha lagu bilay kamid ahaa inay Fanaaniinta Qaranku halkaasi ku soo bandhigeen suugaan ay ugu talogaleen inay ku sagootiyaan Agaasimihii hore, kuna soo dhaweeyaan midka cusub.

 

Leave a Reply