Khayraadka Badda iyo Faa’iidooyinka ay Bani’aadamka u Leeyihiin Cunto ahaan

0
442

Haddii aad u fiirsatid oogada dhulka aan ku nool nahay, waxaad ogaaneysaa in 75% ay tahay biyo  ama bad, dhinac kasta inoogu wareegsan.

Badduhu maaha kuwo kala go’an  ee waa badweyn qudha, oo qeybaheeda kala duwan loo bixiyay magacyo kala duwan, sida :

  • Badweynta Hindiya
  • Badweynta Atlaantikada
  • Badweynta Baasifikada
  • Badweynta Artikada

Baddahani waxay inaga xigaan afarta jiho, oo kala ah:-

  • Bari
  • Koonfur
  • Galbeed iyo
  • Waqooyi

Badduhu waxay ka abuurmeen duufaantii lagu halaagay qoomkii Nebi Nuux ee la odhan jiray reer binu Rasiis, kadib markii laga quustay inay nabigii loo diray ee Nuux (Cs) rumeeyaan, sida ahlu siiruhu sheegayaan, waana biyihii ka soo burqaday samada, balse dhulka waxaa la amray inuu liqo biyihiisa, waxaana la tilmaamay in biyuhu weli muuqato cadhada ay u qabaan qoomkii loo soo diray.

Sidoo kale, badduhu waxay u leeyihiin nolosha dunnida, gaar ahaan nolosha bani’aadamka, oo ay u yihiin marin  ama waddo lagu safro marka la isagu gudbayo dunnida daafaheeda.

Baddaha waxaa laga helaa, cunto iyo kheyraad kale sida macdan iyo shidaal.

Baddaha ka faa’iideysigoodu wuxuu u baahnan yahay aqoon iyo qalab casri ah oo lagu soo saaro kheyraadka kala duwan ee ku jira.

Marka uu qofku aanu xidhneyn qalabka maquurashada, wuxuu biyaha ku dhex jiri kara laba ilaa saddex daqiiqo, mana gaadhi karo meel fog ama qoto dheer.

Hase yeeshee, waxay isticmaalaan saynisyahannadu qalab ka caawiya qofka maquurashada badda, oo u oggollaanaya in uu gaadho meelqoto dheer, muddo dheerna ku jiri karo badda gunteeda, si ay waxyaabo badan u soo arkaan, oo aqoon uga soo korodhsadaan.qalabka maquurashada waxa ka mid ah mid qofka u suura gelinaya inuu gaadho meel qotadeedu gaadheyso ilaa 250 fuudh, qalabkani wuxuu ka kooban yahay laba taangi oo soo gaadha qofka maquuranaya, qofku waxa kale oo uu xidhaa muraayad ballaadhan, oo si wanaagsan uu wax uga arki karo biyaha dhexdooda, ragga maquurtaa waxa kale oo ay xidhaan kabo af ballaadhan, oo usuuro-gelinaya inay si howl yar oo dhakhso leh u dabaashaan, Haddii ay qabow tahayy ama meel dheer gaadhayo, waxay xidhaan lebis rabadh ah ama gudmo ah oo dhaxanta ka celinaya.

Inkastoo qalabka maquurashadu uu qofka dabaalyahanka ah u suura gelinayo inuu muddo dheer badda dhexdeeda ku jiro, haddana maaha muquurashadu wax sahlan sida loo maleynayo.

Mawjadaha hirarka baddu, waa biyo socda oo sida kuwa togagga u dhex mara badweynta, qaar wey qabow yihiin, qaarna way diiran yihiin marka loo eego biyaha badweynta ay dhex marayaan.

Tamarta ay u socdaan waxaa la sheegay inay ka helaan qorraxda iyo dabeysha.

Dadka xeebaha deggani waxay arkeen in 24-kii saacba laba jeer baddu soo buuxsanto, laba jeerna caarido, heerka buuxa iyo caariga ee ay gaadhaan kala duwan yahay heerkii shalay uu gaadhay buuxu ma gaadho maanta.

Sidoo kale, caariguna ma gaadho maanta heerkii shalay uu gaadhay.

Dadka xeebaha deggani waxay arkaan in labadii toddobaadba mar uu gaadho buuxa iyo caarigu heerkii ugu sarreeyay iyo heerkii ugu hooseeyay waxayna ku sheegeen inuu yahay marka  dayaxu dhan yahay afar iyo tobanka.

Baddu waxay tahay, degaan aad ugu haboon nolosha noolaha, waxay leedahay macdan badan, heerkul haboon iyo hawo ku Milan biyaha, taasina waxay suurta gelineysaa inay badda ku noolaadaan noole tiro badan oo kale jaad jaad ah oo dhir iyo xayawaanba leh.

Dhirta iyo xayawaanka badda ku nool badankooda, waxa laga helaa caariga agtiisa iyo badda hareeraheeda iyo inteeda sare, Sidoo kale, badhtamaha iyo gunta badda, waa laga heli karaa dhir iyo xayawaanno badan oo aan u ekeyn kuwa ku nool badda inteeda sare.

Badda inteeda sare, waxaa ku nool nooleyaal fara badan oo isugu jira dhir iyo xayawaan aadna u yaryar, oo badankoodana indhaha oo qaawan aan lagu arki karin, waxaana guud ahaan lagu magacaabaa (Sacaaf) noolahani malaha awood uu ku dabaasho, waxay raacaan hirarka maayada badda, kuwaasoo hadba meel geeya.

Noolahani, xagga qaabka aad ayey u kala geddisan yihiin, oo qaarkood waxay u egyihiin bil, qaarna sida kubadda , kuwo kalena way dhuu-dhuuban yihiin ama isku xidhiidhsan yihiin.

Sidaa iyo si le’eg ayuu xajmigoodu u kala duwan yahay, qaar aad u yar-yar, kuwo dirxiga le’eg iyo kuwo kalluun ballaadhan ah.

Noolaha waaweyn ee badda, waxay dhammaantood cuntada ka helaan Sacaafka biyaha badda inteeda sare ku nool, qaar si toos ah ayey u cunaan Sacaafka laftiisa, kuwa kalena waxay cunaan xayaawaanka iyaga cuna sacaafka, tusaale- kalluunka yar-yari wuxuu cunto u yahay kalluunka waaweyn oo uu ku jiro Nibirigu.

Baddu waa keyd Cunto:

Marka laga soo billaabo waqtiyadii hore, dadku wuu qabsan jiray oo cuni jiray kalluunka iyo noolaha kaleba ee badda laga helo.

Waqtigan casriga ee maanta waxa la ogaaday waxtarka iyo kheyraadka kala duwan ee badda ku jirta, waxaa la helay qalab casri ah oo shalay aan lahayn oo ka faa’iideysiga badda ah oo markii hore ku bilaabmay ku safridda iyo isugu gudbidda qaarad illaa ka qaarad kale iyo ganacsiga maraakiibta, waxaa la sameeyay Maraakiib warshado kalluunka jillaaba, warshadeeyana, waxaanay dunnidu maanta tartan ugu jirtaa ka faa’iideysiga badda.

Badduhu, waxay yeesheen qiimo ka duwan berriga oo waxay ku dhowdahay in dagaal caalami ahi ku dhexmaro dawladdaha waaweyn.

Biyaha dhanaan ee badda,  waxaa laga soo saari karaa biyo macaan oo la cabo, dalal badan oo caalamka ka mid ah ayaa sameeyay inay badda biyo macaan ka soo saaraan.

Haddaba, waxtarka badda iyo kheyraadka ku jira ee maanta la ogyahay maaha mid la soo koobi karo, iyadoo dunnidu tartan xoog leh ugu jirto, balse dadkii xoog iyo qalab leh ayaa ka faa’iideysan kara oo waa is-barbaryaac oo la isku-dilayaa.

 

Leave a Reply