Musharraxii ugu Yaabka Badna ee la Waayay !

0
304

Sheekadani waa mid yaab leh. Maaha xayawaan u tartamaya jagada Maayarnimo ee magaalo laakiin waa Doofaar u tartarmaya xilka madaxweyne ee dalka Maraykanka kaasi oo ay musharax ka dhigteen xisbiga dhalinyarada ee dalkaasi!

Arrintan ayaa dib ugu noqonaysaa sanadkii 1968 markii xisbiga caalamiga ah ee dhalinyarada, shirweynihii qaran ee ay ku qabteen Chicago ay u magacaabeen doofaar lagu magacaabo Pegasus oo miisaankiisu dhamkaa 66 kg,  in uu noqdo musharax xilka madaxtinimada Maraykanka.

Xubnihii firfircoona ee fikraddan soo jeediyaya waxa ay ahaayeen Mr. Abby Hoffman iyo Jerry Rubin.

Xisbigan ayaa ugu horeyn u yimid magaalada Chicago si uu uga mudaaharaado afar sano oo uu socday dagaalka sii xumaanaya ee Vietnam, fashilka ku yimid dagaalka iyo in uu ku baaqo in ay dadku ka soo horjeestaan labada xisbi ee dagaalka wada, xisbiga Republicans iyo kan Democrats.

Sidaa darteed, iyagoo muujinaya mucaaradnimadooda, waxay soo magacaabeen doofaarka. Xisbigu waxa uu dalbaday ilaalinta sirta ah ee Doofaarka Pegasus.

Waxaana ay Aqalka Cad u direen in uu warbixin ka siiyo siyaasadda arrimaha dibadda, laakiin taasi ma sii socon muddo dheer.

Bishii Ogosto 23, 1968, iyada oo xisbigu isu diyaarinayay shirweynihii Doofaarka Pegasus loogu cumaamadi lahaa musharxnimada madaxweyne Xarunta Bulshada ee Chicago, ayay  booliisku soo galeen waxaana ay qabteen 7 xubnood oo ka tirsan xisbiga, oo ay ku jiraan xubnihii firfircoona ee u olalaynayay musharaxnimada Doofaarka ee Mr.Jerry Rubin iyo doofaarkii Pegasus laftiisa, waxaaa loo taxaabay xabsiga iyadoo lagu eedeyay dhaqan xumo iyo khalkhal gelinta nabadda.

Xadhigoodu ma sii socon, maadaama markii dambe xabsiga laga sii daayay, laakiin dhinac doofaarka Pegasus, qofna ilaa maanta ma garanayo halka uu ku dambeyay.

Waxaa la sheegay in la geeyay xarunta Hay’adda xanaanayta xayawaanka qaabilsan, halka qaarkoodna ay sheegaan in uu noloshiisa ku dhamaystay casho miiska sarkiisha lagu cunay, iyadoo habeenkaasi goobtaasi lagu qashay.

 

Xisbiga dhalinyarad “Yippies” waxaa ay ahaayeen kuwo isticmaalayay riwaayado siyaasadeed oo ay soo bandhigaan, waxaana ay u adeegsadeen doofaarka Pigasus si ay ugu jees jeesaan heerka bulshada, iyagoo si weyn uga soo horjeeday dagaalkii Vitnam ee Maraykanku ku jiray. (Pigasus Politics) ( Axmed Adam Haybe)

Leave a Reply