Taariikhdu waxay ina baraysaa in horumar iyo isbeddel kasta oo dunida soo maray ay dhallinyaradu udub-dhexaad u ahayd. Xilligan aan ku jirnana mustaqbalka dal kasta wuxuu ku xidhan yahay hadba dedaalka dhallinyaradu ay muujiyaan.
Dhallinyaradu ma aha laf-dhabarta horumarka dalku ku dhisan yahay oo kaliya, balse waa halbowlaha, xooga iyo awooda uu dal leeyahay, kuna tashado iskuna haleeyo.
Maanta tirada dhallinyarada jaamacadaha dalka ka baxday, ama dhiganaysaa waa mid aan dalkeenan hore inoo soo marin. Waxaanay taasi muujinaysaa dedaalka loogu jiro si ay dhallinyaradu nolol iyo mustaqbal wanaagsan ay u yeelan lahaayeen.
Dhallinyarada JSL waxa looga baahan yahay inay ka feejignaadaan tabaha kala duwan iyo shirqoolada loo maleegayo. Waana inay iska ilaaliyaan qaababka kala duwan ee ma naxayaasha iyo danaysteyaashu, si toos ah ama si dadban ay u dhaawaci karaan mustaqbalkooda. Mustaqbalkaa oo ku xidhan horumarka dalka.
Si mustaqbal wanaagsan ay dhallinyaradu u hesho, waxa magaalada Hargeysa lagu qabtay Madal dhaqaalaha lagu horumarinayo oo 300 oo qof oo ka kala socda Hay’adaha dawladda, ganacsatada, Hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, Jaamacadaha, aqoon-yahanno iyo khabiirro ka soo qaybgaleen.
Muddo saddex maalmood ah oo ay madashu socotay, waxay 300 ee qof falanqeyn iyo dood kadib, isla meel dhigeen tallaabooyinka loo baahan yahay in lagu dhaqaaqo si looga badbaado xaaladda dhaqaale ee dunidu ku sugan tahay.
Tallaabooyinkaas oo si cilmiyeysan loo dersi doono, looguna talogalay in la dhaqan geliyo, lagana faa’iidaysto khayraadka dalka oo leh bad, berri iyo dhulka hoostiisa. Arrintaa oo ay dhallinyaradu u laf-dhabar tahay hirgelinteeda.
Kaqaybgalayaashu arrimaha ay isla garteen, shaaciyeenna waxa ka mid ah; wax-soo-saarka beeraha in la horumariyo si looga badbaado hanqal-taaga iyo ku tiirsanaanta dalal kale. Waxa kaloo ka mid ah;
- In ganacsiga yar-yar iyo ka dhexe oo ay dhallinyaradu ku soo badanayso ahmiyad gaar ah la siiyo xaaladahooda dhaqaale, si loo sugo koboca dhaqaale ee dalka.
- In guud ahaan shacbi iyo Xukuumad la iska kaashado ka faa’iidaysiga khayraadka kala duwan ee dalka, loona raadiyo suuq.
- In kaabeyaasha dhaqaale ee dalka guud ahaan sida jidadka, isgaadhsiinta, dekedaha iyo tamarta la horumariyo. Isla mar ahaantaana mashaariicda dalka laga fulinayaa noqdaan kuwo ku sallaysan qorshaha horumarineed ee dalka.
Dhammaan arrimahan iyo qaar kale oo la xidhiidha sidii looga faa’iidaysan lahaa, loona horumarin lahaa waxa ma-huraan ah in kor loo qaado xirfadaha iyo aqoonta dhallinyarada. Taasoo shaqo la’aanta la-dagaalanka lagula jiro wax weyn ka tari doonta.
Dhallinyaro Ilaahay dalkeenna wuxuu ku manaystay nooc kasta oo khayraad ah, oo aan dunida kaga maarmi karno in aan gacanta hoorsano. Wuxuuna ILAAHAY deegaan inooga dhigay bogcad inoo fududaynaysa xaqiijinta ka faa’iidaysiga khayraadka iyo horumarinta dalka. (DHALLINYARO XUSUUSNAADA IN AWOODA DHALLINYARONIMO AY AHAYD UDUB DHEXAADKA FIDITAANKA DIINTEENA ISLAAMKA). Waxana la idiinka baahan yahay inaad maanka ku haysaan in mustaqbalkiinu ku xidhan yahay horumarka dalka.
Xuseen Cali Nuur