Taliyaha Booliiska Somaliland oo Soo Dhammaystay Socdaal Shaqo oo uu ku Tegay Itoobiya

0
304

Hargeysa-(Dawan):- Taliyaha Ciidanka Booliska  Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi  oo booqasho rasmi ah ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa dalka ku soo noqday.

Taliye saqadhi oo booqasho rasmi ah oo saddex maalmood qaatay ugu maqnaa dalka Itoobiya ayuu gagida Diyaarahada Ee Addis Ababa bole international Airport ku soo Dhaweeyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Fadaralka Ethiopia Demelash Gebre Michael.

Gen Saqadhi markii uu ka degay Garoonka Addis ababa wuxuu salaan sharaf ka qaatay Cutub ka mida Ciidanka Booliska Fadaralka Ethiopia.

Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Ciidanka booliska Fadarelka Ethiopia Demelash gebremichael ayaa ka wada   hadlay xoojinta xidhiidhka iskaashi ee labada ciidan iyo sidii dhinaca Ammaanka ay iskaga kaashan lahayeen Labada Dal.

 

Leave a Reply