Guddoomiyaha Baanka Somaliland wuxu mudan yahay Abaalmarin Xilgudasho iyo Hoggaamin Caddaalad ah.

0
548

Guddoomiyaha  Baanka Somaliland Md.Cali waa Gudoomiyihii sideedaad ee Baanka  Dhexe Somaliland xilkiisa ka dib Madaxbaanidii Qaranka  Somaliland waxana  ka horreeyey Toddoba Gudoomiye

Hadaba ujeedada Qormadan oo isugu  jirta Talo gudbin iyo Bogaadin Hogaamineed waxan marka hore leeyahay Gudoomiye Md.Cali iyo ku xigeenkiisa iyo Agaasimaha waxad mudan tihiin Bilad sharaf  Hogaamineed in Madaxwaynaha  Somaliland Md.Biixi inuu idinku abaalmariyo Xilgudashadiina mudada kooban ee aad hayseen Xilka Baanka Dhexe Somaliland oo Halsano ah Taasi oo dad ku mutaysateen Degenaanshaha Sarifka Lacagaha Qalaad sidoo kale isku Duubnaanta Hogaamineed ama Maamul ee Shaqaalaha iyo shaqada Baanka Dhexe Somaliland oo aad u midaysan tihiin.

Sidaasi awgeed waxan usoo jeedinayaa  MADAXWAYNAHA SOMALILAND MUDANE MUUSE BIIXI CABDI inuu idinku sharfo Shahaado Xilgudasho iyo Hogaamin Cadaaladeed waxanan leeyahay Madaxwayne way mudan yihiin Gudoomiyaha Baanka  iyo ku xigeenadiisu ABAALMARIN XILGUDASHO in Xuumaddu ay ku Dhiirigaliso Hadli ALLAH  idmo.

Sidaasi darteed intaasi markaan kaga gudbo Bogaadinta Maamul wanaaga waxan Md.Gudoomiye idiinsoo Jeedinayaa laba Qodob oo kale ah.

1.Gudoomiye waxan idiinsoo jeedinayaa in Baanka  Dhexe Somaliland ku kantaroolo Bankiyada Gaarka ah ee aad  Ruqsada Baan ahaaneed aad siiseen IN LAGU ISTICMAALO LACAGTA QARANKA EE SHILINKA SOMALILAND DHAMAAN BANKIYADAASI OO AY SHACABKA U FURAAN ACCOUNT SHILIN AH IYO MID LACAGTA WALAAL AH Md.Gudoomiye waxay Tallaabaasi dhiirigalin iyo Qiimayn u tahay Isticmaalka SHILINKA SOMALILAND.

2.Sodonkaa labaad waa in Shaqaalaha Baanka Dhexe Somaliland loo sameeyo Machad Tababar oo Da.ayarta Baanka lagu siiyo Banking education hadii ALLAH idmo.

Guntii iyo afmeerka mowduucan waxan IDIN leeyahay WABILAAHI  TOWFIIQ

ALLAH  MAHAD LEH

BY.MOWLIID AADAN CUMAR

Leave a Reply