Koox ka Tirsan Premier League oo Ganaax aad u Culus lagu Riday

0
339

Xidhiidhka kubadda cagta Ingriiiska ayaa soo saaray ganaax culus oo lagu riday kooxda kubadda cagta Everton oo taageereyaasheedu ay garoonka gudaha ugu soo daateen kulankii Crystal Palace ay 3-2 kaga badiyeen xilli ciyaareedkii hore, taas oo ka caawisay in ay ka badbaadaan inay heerka labaad u dhaadhacaan.

Jamaahiirta ayaa gudaha usoo galay Goodison Park oo ay dhamaantii qariyeen iyaga oo dabbaal-degaya maadaama ay natiijada ciyaartaasi u xaqiijisay in ay kusii nagaanayaan horyaalka oo ay qarka u saarnaayeen in ay ka dhacaan.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in Everton lagu ganaaxay lacag gaadhaysa £300,000 Gini maadaama ay taageereyaasheeda ka joojin weyday in ay gudaha usoo gasho garoonka.

Tababaraha Crystal Palace ee Patrick Vieira oo aad uga cadhooday falka taageereyaasha ayaa la arkayay isaga oo mid ka mid ah jamaahiirta Everton dhabarka ka laadaya, xilli xaaladdu kululaatay, waxaana la baxsaday oo garoonka ka saaray ciidamada ammaanka maadaama ay taageereyaasha faraxsan ay halis geliyeen.

 

 

Leave a Reply