Aasaaska Dhaqanka iyo Umaddaha.Qaybtii 2aad

0
564

Akhristeyaal sidii aanu idinkula wadaagnay qaybtii 1aad ee qormadan dhaqanku waxa uu ku turjumaa hab-nololeedka bulsho, waxaana lagu qeexaa si kooban qaab-nololleedka bulshada (The Way of life of Society), taasoo ina tusinaysa kaalinta uu ku leeyahay jiritaanka umaddaha Dhaqanku iyo sida uu u qaabeeyo gabi ahaanba manjaraha geedi-socodka nololsha.

Sidaas awgeed, dabeecadaha iyo astaamaha dhaqan waxay tilmaamo ka bixiyaan muuqaalka guud ee uu leeyahay, waxaanay khubarada daraayeeyaa u qaybiyaan noocyo kala duwan oo aan saameyn badan ku yeellan asalkiisa, hase yeeshee bedbedala midabadiisa iyo ujeedooyinkiisa.

Tusaalle ahaan, marka laga hadlayo qaabka uu isu bedelo, dhaqanku waa mid isbedella, haddana wali sii waara oo aan ka tegin halkii uu asalka ahaa, waxaanan ku dabaqaynaa  hogga-tus ku saabsan ah marka aynu ka waramayno Soomaalida hab-dhaqankii guurka ee hore iyo hadda isbedellada ku yimi oo aynu u nisbayn karno waaqica nololleed ee lagu jiro.

Soomaalidu  aad  iyo   aad ayey u qaddariyaan guurka   wuxuuna leeyahay  dhexdooda  maamuus  u gaar ah iyo qaddarin, Guurka soomaalidu wax badan bay kaga hadleen qaybaha kala duwan ee suugaanta waxaana si waafi ah loo yaqaan Heeso,Gabayo,Maah-Maaho iyo Hal-kudhigyo kale oo lagaga hadlay guurka. Sidoo kale Soomaalidu inta badan guurka waxa ay ku saleeyaan caadooyin iyo aragtiyo laga dhaxlay awoowyaashii Soomaalida.

Waxa u sal ahaa tusaale ahaan ninka gabadh guursanaya marka uu gabadha baranayo wuxuu raadinaya taariikhda iyo halka ay kasoo jeedaan reerka ay gabadhaasi ka dhalatay, waxaana la is odhan karaa taani waa sunnaha guurka waxaana daliil u ah Maah-maahda Caanka noqotay ee “Geela iyo haweenkaba waa la hiddo raacaa”, inkasta oo ay wali arrintaasi jirto haddana waxa la dareemayaa in waxooggaa khafiif ahi ku yimi, taasoo micno ahaan ina tusaysa caadadii way jirtaa, laakiinse waxbaa iska bedelay, sida in haddii gabadha lagu guursan jiray Dunta qoyskeeda ama Tafiirteeda, hadda lagu damaco haynta qoyskooda, wax isu ahaanshiyaha iyo iyada quruxdeeda.

sidoo kalena gabadhu taas waa ay samayn jirtay  oo waxa ay u eegaysaa reerkaas imisa jeer ayaa ay reerkiinna dhexmaraty taariikh guur? Imisa gabdhood baa reerkaasi idinka guursaday? Imisaa fashilmay? Imisaa guulaystay?

Sababta ay sidaasi u yeellaysaa waxay tahay, Ragga iyo Dumarku waa ay ka sinaayeen dabagalka taariikhda guur ee dhexmaraty reerka ay kasoo jeeddo gabadhu iyo reerka Ninku kasoo jeedo. Xaaladaas lafteedu waa mid aan laga tagin, hase yeeshee wakhtigan arrimaha dhabogalka iyo fiir-fiirsiga u baahan ee xagga Gabadhu iyaguna way isbedeleen, iyadoo aan meesha laga saarin asalkiisii iyo ujeeddadii guurka. Waxa shaki la’aan ah maanta Gabadha qoyskoodu waxa ugu horeeya ee ay ka fekerayaan ama ku qiimeynayaan ninka gabadha ka soo doonayaa waxa uu yahay sida uu u dhisan karo iyo sida u dhaqan karo oo aanay lafteeda si’ qoto dheer uga baaraan-degin, taasoo loo nisbeeyo sababta soo dedejisa burburka qoysaska iyo khilaafka ragaadiya mustaqbalka lamaaneyaasha.

Burburka qoysaska waxa saameeya arrimo badan ku gedaaman faracyada dhaqanka guurka oo la hilmaamsan yahay, mana aha qadiyad iminka aynu sharaxeeda ku koobi karno qormadan, hase ahaatee wuxuunbaa inala maray tusaalaha dhaqanka guurka’e.

waxa jira dad isu guursada ama damac guur isu galo iyagoo kasoo kala jeeda laba Haybood (Qabiil) oo ayna dhexmarin wax taariih guur ahi, kuwaasi inta badan kuma guulaysataan inay ka dhabeeyaan  riyadooda cadaadis kaga yimaadda dadkooda iyo kalsooni darro soo dhexgasha oo uu qofku u qaadan waayo ama ay wax adag ku noqoto inuu aamini karo qof ayna haba yaraatee wax xidhiidh guur ahi dhex marin Haybtiisa iyo haybta uu kasoo jeedo awgii una arko qof ku dheelaya oo raba inuu waqtigiisa ka lumiyo.

Sidoo kale, Dhaqanka waa mid la barto oo haddana la wadaaggo; tartanka bulshooyinka ka dhexeeya ee horumarinta waxbarashada iyo xirfaduhu waa mid kamida dariiqooyinka sahla inay umadduhu si xeeladaysan isugu gudbiyaan dhaqamadooda, taasoo keenta in dadyowga qaarkood laga takhaluso dhaqankooda oo ay shiiqiyaan kuwa u soo waariday aqoon iyo xirfad si maldan ama toos ah loogu soo lifaaqay arrimo aan dhaqan ahaan waafaqsanayn deegaankaasi. Arrintaasi marka ay dhacdo dadka dhaqankooda la shiiqiyey waxay waajahaan hirdan la xidhiidha xakamaynta dabeecadaha la falgalay hab-nololeedkooda, ilaa uu jiilba-jiil ka dhaxlo iyadoo uu jiro muran dhaqan iyo meselooyin tabasho oo loo hibanayo caadooyinkii awoowyaasha.

Arrinta muhiimka ahi waxay tahay, in aan ogaano in waxbarashada aasaasiga ah ee ubadka yaryari tahay meelaha umaddaha lagala fal-galo dhaqankooda iyo anshaxooda, isla markaana masuuliyadda cida haysaa ka qiimeyn karto in manhajka tacliimeed iyo barbaarineed ee awlaaddu waafaqsan yahay Dhaqanka bulshada. Waayo? Sidan hore u sheegnay ababka aqooneed waa meesha dhismaha nololsha qofka qaabaysa.

La soco

 

 

 

Leave a Reply