Bulshada Somaliland oo soo Dhawaysay Muddo Kordhinta Guurtidu Samaysay iyo Fulinta Qodob Dastuuri ah

0
323

 

Cirro wuxuu guddoomiye ku ahaa muddo kordhin 10 sano markaa maxay tuu ku fadhiyay ula xumaan wayday shalay.

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Bulsho waynta reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibeda ku kala nool,ayaa si wayn u soo dhaweeyay go,aankii dasruuriga ahaa ee golaha guurtida Somaliland codka aqlabiyadda ah ku meel mariyay isla markaana caddeeyay in ay ku faraxsan yihiin in lagu dhaqmo Dastuurka Qaranka.

 

Gobolada  iyo degmooyinka dalka ayaa si wayn looga soo dhaweeyay muddo kordhinta golaha Guurtida Somaliland muddo xileedka ugu hordhiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku x-geenka Somaliland isla markaana muddo xileedka golaha guurtida ku kordhiyeen.

 

Dhinaca kale Siyaasi Axmed Muumin Seed, oo ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyay muddo kordhintii ay u sameeyeen madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi,  Madaxxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Golaha guurtidu.

Waxa uu sheegay in labada sano ee loo kordhiyay madaxweynaha iyo Madaxweyne ki xigeenka Somaliland lagu diyaarin karo doorasho dalka ka qabsoonta, isla markaana ay asxaabta siyaasadu iyagu ku diyaargaroobi karaan.

Waxa kale oo uu su’aal geliyay waxa hadalka iyo buuqa ka keenay mudda kordhinta madaxweynaha iyada oo kuwii ka horreeyayba loo sameyn jiray.

 

Siyaasi Axmed Muumin mar uu sigaara ula hadlayay xisbiyada mucaaridka waxa uu ka codsaday in ay keenaan istaraatiijiyadda ay bulshada ku hanan karaan, iyo barnaamijyo guusha xisbiyadooda laf dhabar u noqda, balse aan guul lagu gaadhin meel la isa soo taago iyo waxbaan ku dhawaaqaya warbaahinta la mariyo.

Geesta kale waxa uu xusay in Geeska Afrika iyo umadda Soomaaliyeedba waxa aynu dheernahay ay yihiin golaha guurtida, isaga oo ku hanbalyeeyay go’aankii geesnimada iyo kudhaca lahaa ee ay masiirka dalka iyo dadka ku badbaadiyeen, isla markaana ay madaxweynaha Somaliland muddo kordhinta ugu sameeyeen.

“Haddii muddo xileedka madaxweynuhu dhammaaday waxa uu dastuurku inna siinaya in masuuliyadda ay qaadan golaha guurtida Somaliland, waan ku hanbalyaynayaa golaha guurtida Somaliland in ay tallaabada qaadaan, waanan soo dhaweynayaa.

Golaha guurtidu waa gole aynu dheernahay Geeska Afrika, waa gole aynu dheernahay gayiga Soomaalida inta kale oo dhan, waa gole aynu dheernahay adduunka intiisa kale, sababtoo ah haddii madaxweynaha wakhtigiisu dhammaado muddo kordhina ay golaha guurtidu samayn waayaan halkaasi waxa ka imanaysa fowdo iyo khalkhal.”

Sidoo kale waxa uu bulshada ku baraarujiyay qiimaha ay leedahay nabadgelyadu, siga oo carabka ku adkeeyay in waxa lagu wada jooga ay tahay nabadgelyada.

Waxaanu yidhi.“Maaha muddo kordhintii koobaad iyo tii labaad midna, madaxweyneyaashi ka horeeyayba waa loo sameeyay, marka maxaa loo dhibsanayaa muddo kordhinta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa loo sameeyay, sababto ah madaxweyneyaashii ka horreeyay marka mudda xileedkoodu dhammaado waa loo kordhin jiray”

Siyaasi Axmed Muumin waxaa uu bulshada ku baraarujiyay nabadgelyada iyo kaalinta ay kaga jirto wada jooga bulshada Somaliland iyo horumarkeeda.

Waxaanu yidhi.“Bulshadu waa in ay ogaato in nabadgelyada iyo wada noolaanshiyaha dani  ugu jirto, labadaasi sano ee la kordhiyayna madaxweynaha Somaliland waxa uu ku diyaarin doona doorasho , hana la ogaado in guurtidu masuuliyadii ay Qaranka u hayeen ay guteen”

Waxa uu sigaara fariin ugu diray labada xisbi mucaarid, waxaanu ku dhiirigeliyay in ay la yimaadaan istaraatijiyad ay bulshada ku hanaankaraan, isla markaana qayb ka noqota guushooda mustaqbalka.

Waxaanu yidhi.“Barnaamijkii xisbiga iyo wixii ay bulshada ku kasban lahaayeen iyo wixii xisbiga KULMIYE ee aan anigu ka tirsanahay kaga horeeyay asxaabta kale ee siyaasada in ay la yimaadan ayaa la doonayaa, oo ay labadaasi sano soo bandhigaan oo bulshada ay kasbadaan ayaa laga rabba, lama rabo meelbaan istaaga iyo waxbaan ku dhawaaqaya waxa ay noqon doonta wax aanay shacabku raali ka hayn, bulshada Somaliland maanta meel wanaagsan ayay marayaan, horumar ayay gaadheen, nabadgelyada ayaa lawada doonaya nina in uu gurigiisu ka dumo lama rabo”

Muddo kordhinta ay madaxweynaha Somaliland u sameeyeen golaha guurtida Somaliland ayay siweyn u soo dhaweeyeen, siyaasiyiinta, waxgaradka, madax dhaqameedka qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, iyaga oo ku ammaanay golaha guurtida waajibkooda dastuurku faray ee ay guteen.

Dhinca kale waxay si gaaf ah farriin ugu direen musharaxa Madaxweynaha xisbiga mucaarid ka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ay sheegeen in uu isagu ahaa qofkii ugu mudada dheeraa ee loo kordhiyay isla markaana muddo 11 sano ah ku fadhiyay muddo krdhin ay Guurtidu u samaysay oo aanu diidin mar keliyana aanu odhan sharci darro weye muddo kordhintaydu.

Markaa imika oo aanu kursi qaran ku fadhiyin in ay la xumaato maaha isagoo shalay muddo kordhinta raacsanaa kuna joogay kursiga guddoomiyaha golaha wakiilada.

 

 

 

 

 

Leave a Reply