WEEDHA WARGEYSKA:

0
247

Go’aanka Guurtidu Cod uga Baahna Xisbiyada

Golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland waa Hay’ad qaran oo leh awooddo iyo waajibaad Dastuuri ah oo qeexan, kaasoo gudashadiisa aanay cidna uga fasax qaadan oo aanay jirinba cid taladiisa la wadaagtaa, khaasatan marka ay qaraar ka qaadanayaan  arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dastuurka iyo arrimaha nabad-gelyada Dalka.

Sidoo kale tallaabooyinka golahani qaado marka ay jiraan xaaladaha gaarka ah ee shaqadooda khuseeyaa waa kuwo la sii odoroso oo aan deg deg iyo dul kaga keen toona ku iman, isla markaana laysla wada yaqaano jiritaanka duruufaha keenay. Golaha guurtidu maaha gole tahriibiya shaqadooda, gole curiya ficilo dalka iyo dadka dhibaato ku keena, hase yeeshee waa gole marjac u ah ilaalinta iyo dhul-ku-haynta udbaha iyo dhigaha qaranka, waligeedbana loo irkan jiray maalmaha adag, kuwa ka sii adag inay ka biyo-dhiijiyaan aslaax iyo wanaag mushkilad dacwaddeeda lagu raagay.

Mar kale, kaalinta ay golaha Guurtidu ugu jiraan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland hadday tahay sharci-dejin iyo hadday tahay dayactirka masaaliixda umaddu,  ma aha door lagu koobi karo qalin iyo  sharraxaad toona, balse waxa innagaga filan in uu ku tilmaaman yahay “gole inta uu jiro aan loo baqayn Somaliland inay wiiqanto”sababtoo ah shaqada uu qabto ka sekow magaca uu huwan yahay ee GUURTI ayaa ah mid haybad iyo maamuus leh, waxaana xaqiiqo jirta ah in cadowga Dalkeenu aanu jeclayn jiritaankiisa, in badanna ay soo baxeen dareenno shisheeye oo lagu mijo-xaabinayey, laakiinse isku-daygoodu socon waayey.

Sidaas awgeed, golaha Guurtidu Sabtidii todobaadkan waxay qabsadeen mid kamid ah waajibaadkooda dastuuriga ah oo kamid ah shaqada ay qaranka u hayaan, waxaanay dalka ka badbaadiyeen firaaq hoggaamineed  iyo qalallaase siyaasaddeed oo ay qorshihiisa qayb ka ahaayeen, qaar kamida siyaasiyiinta damacu kaga jiro xukunka dalka oo sida muuqata door mooday inay talada kula wareegaan qaylo, buuq iyo xasilooni-darro.

Goluhu waxay muddo-kordhin u sameeyeen madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo uu wakhtigoodu dhammaanayo bisha soo socota horraanteeda ama 42 maalmood kaddib. sababta ay doorashadaasi dib ugu dhacday waa arrin kale oo cuskashadeedu falanqeyn iyo dood kale lagaga qanci karo, hase yeeshee mudaneyaasha golahaasi iyo shirguddoonkoodu waxay go’aamiyeen wixii kala gudboonaa maareynta xaajada dastuuriga ah ee la soo gudboonaatay oo aan ku ahayn ugub ee ay horeba ugala  soo dabbaasheen Waddanka, waxaana goluhu tallaabada uu qaaday  ku saleeyey soo-jeedintii guddida Doorashooyinka Qaranka, duruufaha siyaasaddeed ee jira iyo dariiqooyinka sharci ee u furan.

In go’aankaasi ka soo fool leeyahay Golaha Guurtida oo lagu khasbanaa, isla markaana gogol-xaadhkiisa iyo qiimeyntiisuba dhex taallay mudaneyaasha usbuucii u dambeeyey, waxay ahayd arrin qof waliba saadaalinayey, xataa dadka shacbiga ahi, waanay meel-mariyeen wakhtigii ku habboonaa, sidii ugu wanaagsanayd oo aan ceeb iyo cunfi toona dhex gelin. shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-na ee jecel xasiloonida iyo nabad-gelyada dalkooduna si fiican oo yihdidiilo leh ayey u soo dhaweeyeen, sida laga arkayey qalabka warbaahinta iyo baraha bulshada oo ay si weyn ugaga fal-celiyeen bulshadu muddo-kordhinta madaxweynaha iyo hay’addaha kale ee qaranka guurtidu u sameysay.

Hase yeeshee, waxa arrin lala yaabo iyo fajac noqotay qaabka ay hoggaamiyeyaasha asxaabta mucaaridku  uga hadleen tallaabada golaha Guurtidu meel-marisay oo ay ku tilmaameen qaraar la soo tahriibiyey iyo mid sharci-darro ah,sida ugu muca iyo miisaanka cuslaa shirarkii jaraa’id ee ay shalay qabteen guddoomiyihii hore ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo hoggaamiyaha aan dhicin ee xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Labada masuul amase daneeyayaasha mucaaridku xaqbay u leeyihiin inay cambaareeyaan iyo inay dhaliilaanba go’aamada siyaasaddeed ee noocan ah oo waligeed-ba way dhici jirtay in goluhu sameeyo iyadoo aanay wadar-ogol ku ahayn darafyada kursiga kala riixanayaa balse waxa ceeb iyo faddeexad doorkiisa nusqaaminaysa ah hadalka Cabdiraxmaan Cirro uu ku sheegay in muddo-kordhinta golaha guurtida lagu meel-mariyey hab tahriib ah ama qarsoodi ah, taasoo ah dood aan laga siisanayn, cidna aanay ka aqbalayn Odayga, Waayo? Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi maaha qof caadi ah oo aan xogogaal u ahayn dhaqdhaqaaqyada Siyaasadda iyo saacad walba waxa ku soo kordhay ee wuxuu taagan yahay heer musharax madaxweyne sidii xisbigiisu ugu doortay, shaqada keliya ee uu qabtaana waa inuu dedaal iyo difaacba ugu jiro sidii uu Kursiga ku hanan lahaa.

Tiraabta noocaas ah ee uu ku nuux-nuuxsaday musharax Cirro haddii ay ka dhabtahay oo aanu ogayn diyaar-garowga shaqada ay guurtidu qabatay, ma jirto sabab uu ugu sii mashquulo saaxada siyaasadda, hana iska nasto in ku filan qaranka wuu u soo shaqeeyey,e hadiise aanay ka run ahayn oo uu uga dan leeyahay dhaleecayn siyaasaddeed, waxa horyaalla waaqic dhab ah oo aanu umadda ku manjaro-haabin Karin, xaqiiqdeedana og yahay, kaasoo ah inuu fahamsan yahay geedi-socodka hawlaha doorashooyinka iyo in aanay suurtogal ahayn in muddo 42 maalmooda lagu doorto madaxweyne iyo goleyaal kale toona. Waxaase shaki la’aan ah inuu liqi waayey oo ay xaajo ka qasantay, kaddib markii uu ka fashilmay dabinkii ay maleegayeen xisbigiisa iyo Jaalkiisa UCID ee ay ugu talogaleen in muran iyo yooyootan lagu gaadho dhamaadka muddo-xileedka madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo golaha guurtida, dabadeedna xaalku noqdo fawdo iyo kala dambeyn la’aan, arrintaasoo haddii ay dhici lahayd oo looba dayn lahaa tooda waxa ay ka helayaan isweydiin u baahan tahay.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, isaga hadalkiisu waa kii soo-jireenka ahaa, waanu ogyahay in hay’ad la doortay mid kale oo la doortay uun bedesho, isla markaana kursiga xisbigiisa ee uu ku fadhiyaa aasaas u yahay hirgelinta nidaamka dimuquraadiyadiga ah ee dalka, geesta kalena jiitanka doorashooyinka iyo dib-dhaca kuwa iminka taagan-na aanu masuuliyaddeeda wada lahayn hadba madaxweynaha xilka hayaa ee ay duruufaha riixa qayb ka yihiin asxaabta loollamaysa iyo caqabahada kale ee dabeeciga ahi.

Haddaba, go’aanka golaha guurtidu ahmiyadda uu waddanka u leeyahay waxa aqbalay oo soo dhaweeyey shacbigii dawladdu u adeegaysay oo beri ilaa galbeed ku soo hambalyeyey mudaneyaasha shaqada ay qabteene,  labada guddoomiye Xisbi ee Faysal iyo Cirro cod diidmo iyo yeelmo toona ah ugama baahna, waxaase la gudboon tani dhaaftaye in aanay tartanka Ururrada saaxada kaga bixin oo ay u kabo-xidhaan sidii ay garoonka ugu waari lahaayeen, si ay uga qayb-galaan doorashada madaxtinimada ee la muddeeyey haddii alle ka dhigo.

 

 

Leave a Reply