Ciyaartooyo La’aan ku Dhacday AC Milan ka Hor Kulamada Chelsea iyo Juventus

0
223

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayay ragaadiyeen dhaawacyo ka hor kulamada adag ee Chelsea ee Champions League iyo Juventus oo ay horyaalka Serie A ku ballansan yihiin toddobaadka dambe, waxaanay kaliya haystaa AC Milan 14 illaa 15 ciyaartoy oo kooxda koowaad ah.

Rossoneri ayaa xalay waqti dambe u dagaallantay guul ay kasoo gaadhay Empoli kulan kusoo dhamaaday 3-1 oo saddex gool la iska dhaliyey daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, waxaanay guushani jamaahiirta ka furfurtay walaacii badnaa ee ay qabeen.

Tababare Stefano Pioli ayaa waxa madax-xanuunkii ugu dambeeyey ku riday dhaawac soo gaadhay Davide Calabria oo garoonka laga dhex-qaaday markii uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay, waxaana uu maqnaan doonaa illaa inta laga soo noqonayo Koobka Adduunka, iyadoo la qiyaasayo in sannadka dambe ee 2023 uu la kowsan doono.

Waxa kale oo dhaawacyo la dhibaatoonaya, in muddo ahna maqnaanaya Simon Kjaer oo isaga oo kasoo kabanaya dhaawac muddo dheer ah, haddana la sheegay in uu mar kale muruqa wax ka noqday. Xigga kulamada badan la baxsaday Milan ee Alexis Saelemaekers ayaa isagana uu dhaawac kasoo gaadhay kuraanta.

Stefano Pioli ayaa waxa hore uga sii maqnaa oo dhaawacyadoodu ay wiiqeen qorshihiisa ciyaareed Mike Maignan, Junior Messias, Theo Hernandez, Divock Origi, Zlatan Ibrahimovic iyo Alessandro Florenzi.

Kaliya labada ciyaartoy ee Messias iyo Origi ayaa la sheegay in ay suurtogal tahay in ay kasoo kabtaan dhaawacyada oo ay qayb ka noqon kaaraan kulanka badhtamaha usbuuca ee Chelsea, inta kalena fursad uma helayaan kulamadan sida ay warbaahinta Talyaanigu sheegtay.

Dhibaatada AC Milan ee Champions League ayaa ka  badan midda horyaalka Talyaaniga, sababtoo waxa mar horeba uu liiska ciyaartoydiisa Stefano Pioli ka reebay Ciprian Tatarusanu, Aster Vranckx, Malick Thiaw, Yacine Adli, Tiemoue Bakayoko iyo Ibrahimovic.

Leave a Reply