Manchester City oo Xasuuqii ugu Xumaa u Gaysatay Man United

0
202

ugu ahayd Etihad Stadium oo ay qaybtii horeba afar gool oo daran-doorri ah ka dhaliyeen iyadoo rikoodho waaweyn loo diiwaangeliyey Erling Haaland oo laba gool ka dhaliyey iyo Kevin De Bruyne oo laba caawimood sameeyey 45kii daqiiqadood oo hore.

Man City ayaa siday doonto ka yeeshay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man United oo ay taageereyaasheedu garoonka ka dareereen intii aanay qaybta horeba dhamaanin, halka Sir Alex Ferguson oo garoonka joogayna uu la murugaysnaa sida naadigiisa loogu bahdilayo Etihad Stadium.

Qaybtii horeba waxay Manchester City muujisay in ay magaalada Manchester ka taliso hal koox oo kaliya oo iyaga ah, waxaana min laba gool saxeexay Phil Foden iyo Erling Haaland ka hor intii intii aanay qaybta labaad labaad ku darin laba gool oo kale, isla markaana Man Untied la imanin saddex, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 6-3

Ciyaartan oo uu tababare Erik ten Hag kaydka dhigay Casemiro iyo Cristiano Ronaldo ayay Man City heshay fursaddeedii koowaad saddex daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay ciyaartu, waxaana kubbad halis ahayd dhinaca bidix kala soo galay Bernardo Silva oo usii gudbiyey Erling Haaland oo ka dambeeyey, waxaase badbaadiyey David de Gea.

Dhinaca kale waxa rikoodh noqotay oo ciyaartan ka dhex dhacay in goolkiisii 13aad ee Premier League uu Haaland dhaliyo iyo caawintii 94aad ee Premier League oo uu sameeyay Kevin De Bruyne.

Leave a Reply