Madaxda Hay’adda Caymiska Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Madax Dhaqameedka Gabiley

0
194

Gabiley (Dawan): Hoggaanka sare ee hay’adda caymiska Somaliland ayaa kulan la yeeshay cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Gabiley.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta badhasaabka gobolka waxaa furay badhasaabka gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa maayarka Gabiley, iyo sidoo kale inta badan madax dhaqameedka gobolka Gabiley.

Shirkan oo diiradda lagu saarayey in hantiileyaasha gadiidku ay dhab ugu fuliyaan caymis gellinta gadiidkooda si looga gudbo dhibaatooyinka iyo xeer jajabka culaysyada badan leh, loona dabaqi lahaa xeerarka iyo shuruucda cilmiga ku dhisan.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo si rasmi ah u furay kulankaasi ayaa kulankaasi ku tilmaamay mid muhiimad iyo miisaan weyn u leh gobolka Gabilay.

Waxaanu yidhi, “Shirkan oo diiradda saarayey in hantiileyaasha gadiidku ay dhab ugu fuliyaan cayimin gellinta gadiidkooda si looga gudbo dhibaatooyinka iyo xeer jajabka culaysyada badan leh loona dabakhi xeerarka iyo shuruucda cilmiga ku dhisan ayaa guul ku soo dhammaaday.

Waxaa yididdiilo badan i gelisay fahamka Cuqaasha oo culaysyada iyo dhibka ugu badan ee qaddiyaddani ay is wajahaan inay la dhaceen caymin gellinta haykal dowladeedku asteeyey ee daaha-furan”ayuu yidhi badhasaabka Gabiley.

Geesta kale Cabdiqani Jiidhe, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku bogaadiyay fikirkii aasaaska hayadda caymiska qaranka.

Waxaanu yidhi, “Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi, oo haya’ddan muhiimka u ah haggidda caqabadaha, habsami u socodsiinta horumarka, maalgashiga waddaniga iyo kuwa shisheeye asaasay ayaan bogaadinayaa”.

Dhinaca kale waxa kaloo iyagna halkaa ka hadlay xubno ka mid ahaa madax dhaqameedkii kulanka loo qabtay oo si weyn u soo dhaweeyay in la helo shuruuc iyo nidaam lagaga gudbayo in qabiil ama reernimo lagu bixiyo khasaaraha ka dhasha gaadiidka, isla markaana loo guuro hanaanka caymiska oo ah mid wadamada caalamku ay isticmaalaan

 

 

 

 

 

Leave a Reply