Xukuumadda Somaliland oo Amar Fartay Gaadiidka u kala Goosha gobollada Dalka

0
531

Hargeysa (Dawan):-Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland ayaa soo saartay wareegto ay ku amrayso in aanu baraha kaantarool ee dalka dhaafi karin gaadhi aan ruqsadda iyo ogolaanshiyaha rarka iyo rakaabka dadweynaha ka haysan wasaaradda gaadiidku.

Sidoo kale waxa wareegtadan lagu sheegay in gaadhi aan lagu xidhin xadiidaada xawaaraha gaadiidka iyo warqada badqabka gaadiidka gaadiidku aanu dhaafi karin baraha kaantarool, isla markaana ciddii u hoggaansami wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan oo la xidhiidha arrintiisa iyo ganaax lacageedba.

Waxa sidan lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeysyada Dawan.

Waxaaney u dhignayd sidan.“In aanu kaantaroolada dhaafi karin gaadiid aan ruqsadda ogolaanshaha rarka iyo rakaabka dadweynaha ka haysan wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland laga bilaabo taariikhda 6/10/2022.

In aanu dhaafi karin kaantaroolada dalka gaadhi aan lagu xidhin qalabka xadidaada xawaaraha gaadiidka iyo warqada badqabka gaadiidka.

In aan la ogolayn darawaliinta basaska qaada rakaabka dadweynaha iyo alaabaha ee aan haysan liisanka darajada D.

Ciddii u hoggaansami wayda awaamiirta wareegtadan waxa lagu ganaaxi doonaa lacag dhan 200,000 oo Shilinka Somaliland iyo xadhig waafaqsan xeerka waddamarista gaadiidka ee Xeer Lr. 56/20133

Leave a Reply