Tabobare Premier League ah oo Is-casilay, ka dib Guul-darro Xanuun Kulul

0
195

Tababaraha koox ka tirsan horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay kaddib guul-darro xanuun kulul oo soo gaadhay kooxdiisa oo ku jirta xilli ciyaareed adag.

Intii lagu sii jeeday ciyaartii ay Manchester City ku xasuuqday kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester United, waxa la qorayay warqadda iscasilaadda tababare u adkaysan waayey sida kooxdiisu ugu dhibaatoonayso garoomada, kaas oo go’aansaday in uu burburiyo heshiiskiisa.

Horyaalka Premier League oo xilli ciyaareedkan bilowga ah ay tiro tababareyaal ah shaqadooda waayeen, ayaa waxa hadda shaaciyey in uu iscasilay macallinka kooxda Wolves ee Bruno Lage oo Sabtidii ay guul-darro 2-0 ah u xambaarisay West Ham United, iyadoo labada goolna ay ka dhaliyeen Gianluca Scamacca iyo Jarrod Bowen.

46 jirkan oo ay kooxdiisa Wolves u dhacday khadka cas ayaa doorbiday in uu isagu ka tago kooxda intii shaqada laga caydhin lahaa, iyadoo waliba la filayay in kooxdu ay gaadho go’aanka ay ku eryayso ka hor inta aan la gaadhin kulamada toddobaadka dambe.

Wolves ayaa hadda bilowday raadinta tababarihii u beddeli lahaa Bruno Lage, waxaana lala xidhiidhinayaa tiro macallimiin ah oo uu ku jiro Rafa Benitez oo hore usoo layliyey kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Inter Milan.

Iscasilaadda Bruno Lage ayaa la sheegay in ay timid markii ay ciyaartoyda kooxdu ka niyad-jabeen maadaama ay aad uga hooseeyaan halkii la filayey in ay ku jiraan, sidoo kalena uu ka baqay in uu si buuxda u lumiyo kalsoonida ciyaartoydiisa oo ay kasoo horjeedsadaan.

Kabtanka Wolves ee Ruben Neves oo xalay la hadlay saxaafadda ayaa sheegay, in ay qasab tahay in isbeddel yimaaddo oo masuuliyaddana dusha ay saartaan ciyaartoydu maadaama waxa ku socda kooxdoodu uu yahay fadeexad.

Leave a Reply