Caalamka oo Bogaadiyey Dedaallada Somaliland ee soo Kabashada Ganacsatada Suuqa Waaheen

0
495

Nairobi-(Dawan):- Xukuumada Somaliland ayaa lagu ammaanay hannaankii ay u maareysay masiibada dabkii suuqa Waaheen iyo dedaalada ay u gashay in ganacsatadii ku tabaaloobay helaan taageero ay dib ugu bilaabaan ganacsigoodii.

Warbixin dheer oo lagu  baahiyey degelka Qaramadda Midoobay, ayaa lagu sheegay in xukuumadu taageero dhaqaale u qeybisay gacasato kala duwan oo hantidoodii ku waayey dabkii suuqa waaheen, waxaana lagu bilaabay.

“Nimco Cabdillaahi Muxumed oo da’deedu tahay 36 jir ayaa ku dhawaad labaatan sano ay ku qaadatay inay dhisto ganacsigeeda yar ee ay ku iibiso khudaarta, dharka, cadarka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo, iyadoo ku jirtay bakhaar ku yaalla Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa oo ah suuqa ugu weyn Somaliland.

Fiidnimadii 1da Abriil 2022, wuu gubtay dhammaan ganacsigeedii  “Waxay ahayd naxdin weyn sababtoo ah meheraddayda dhamaan wixii yaallay way gubteen aan muddo dheer soo tabcayey,” ayay tidhi Marwo Muxumed.

Waxay ka mid ahayd 5,000 oo ganacsato ah oo isugu jira kuwa yaryar, kuwa dhexe iyo kuwa waaweyn ee ku basbeelay dabkii qabsaday Suuqa Waaheen. Qiimaha badeecada ku khasaartay dabkan ayaa lagu qiyaasay ilaa 1.5 Bilyan oo dollar, waxaana la rumaysan yahay in ilaa 12,000 oo shaqo ku baaba’een, sida lagu sheegay warbixinta wadajirka ah ee saamaynta dabkii suuqa Waaheen oo ay soo saareen maamulka Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Bilaw yar inaad noqoto mulkiile ganacsi yar waligeed may ahayn riyada Marwo Muxumed. Waxa ay ku dhalatay kuna kortay magaalada Hargeysa, waxbarashadii dugsiyada hoose/dhexe iyo sare way dhigatay, balse way u awoodi wayday inay sii wadato waxbarashadeeda sare caqabado dhaqaale awgeed.

Waxay markii ugu horaysay ka bilowday iibinta khudaarta xaafadda Xawaadle, ka dibna waxay ku balaadhisay badeecooyinkeeda iyo hadafkeedii suuqa Waaheen. “Waxaan bilaabay ganacsi sababtoo ah waxaan ku riyooday riyo weyn oo ah inaan noqdo ganacsade milyaneer ah,” ayay tidhi. “Wajiyadii hore ee dhisitaanka ganacsigu waxay u ekaayeen waddo dildilaac ah maadaama ay jireen tiro yar oo macaamiil ah, laakiin si joogto ah ayay u soo korodhay si ay u noqoto mid faa’iido leh.” Balse muddo kooban ayaa hantida ganacsigeeda oo ahaa $25,000  dabku baabi’iyay . Waxaa sidoo kale ka baaba’ay diiwaanka deymaha ay ka heshay hay’adaha deymaha, iyo sidoo kale macaamilka macaamiisha.

Bilaabida cusub

Dabka ka dib, Qaramada Midoobay waxay soo dirtay koox khubaro farsamo ah si ay u taageeraan dadaallada gargaarka iyo dib u dhiska ee gudaha. Kooxda qiimaynta samaysay ayaa ku taliyey in suuqa Waaheen laga dhiso dhisme aad u dhaadheer si ay u wada degi karaan dhamaan meheradaha ganacsi oo ay ku jiraan kuwa ku yaala hareeraha suuqaasi, waxaanay soo bandhigeen lix goobood oo ku meel gaadh ah oo loogu talo galay dadka ganacsigoodu ka baxay.

Qiimayntan ayaa sidoo kale keentay in qaar ka mid ah ganacsatadu ay deeqo yar yar ka helaan dawladda – Marwo Muxumed ayaa ka mid ahayd dadkii deeqda la guddoonsiiyey.

“Wax walba waxay u dhaceen doonista Ilaah, waxaana hadda si adag uga shaqeyneynaa inaan soo kabano. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, ‘Dhicitaanku ma aha eedda, laakiin inaad mar kale istaagi weydo” ayay tidhi. “Hadda waxaan furtay meherad yar oo ku taal goob ku meel gaar ah.”

Dib-u-dhiska meheraddeeda goob cusub, oo ku taalla meel hal kilomitir u jirta burburka Suuqa Waaheen, may fududayn iyadoo macaamiisheeda caadiga ah ay kala tageen. Way adag tahay in la helo dhammaan macaamiishayda sida ugu dhakhsaha badan ee aan doonayo. Waqti ayay qaadan doontaa.

Ku soo noqoshada Suuqa Waaheen

Caqabad kasta ha ahaatee, Marwo Muxumed waxay rajaynaysaa inay dib ugu soo noqoto goobtii Suuqa Waaheen marka dib u dhis lagu sameeyo.

“Faahfaahinta aan hayno waa mid aad u yar. Hadda waxaan ognahay in suuqa dib loo dhisi doono. Qof kastaa wuxuu rajeynayaa inuu boos helo oo uu awood u yeesho oo uu ku ganacsado suuqa caanka ah ee Waaheen mar kale,” ayay tidhi.

Warbixinta oo lagu bogaadiyey talaabooyinka Xukuumada Somaliland u qaaday iyadoo la kaashanaysa bulshada guddo iyo dibed oo si weyn uga qeybqaatay qaadhaan uruurinta ayey Nimoc oo ka hadlaysa tidhi,

“Dowladdu waxay magdhow iga siisay $1500, anniguna $750 oo lacagtaas ka mid ah waxaan siiyay gabadh yar oo meherad yar oo xinaha ah ku lahayd dukaankayga agtiisa si ay ganacsigeedii dib ugu soo noolayso. Maanu ahayn saaxiibo dhow, laakiin xaaladdeeda waan ka damqaday markaan arkay,” ayay tidhi.

Bishii June, xukuumada Somaliland ayaa soo bandhigay naqshad soo jiidasho leh oo casri ah oo lagu samayn doono suuqa mustaqbalka ee Waaheen, waxaanay sheegeen in hawsha dhismuhu bilaabmayo sanadkan, inkastoo aan la cayimin goorta ay shaqadu dhamaan doonto.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply