Wasaaradda Deegaanka iyo Dawladaha hoose oo ka wada Shaqaynaya Isbedelka Cimiladda iyo Illaalinta Deegaanka

0
205

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa shalay furay kulan hawleedka Wacyigalinta Illaalinta Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada ee Degmooyinka Hargeysa, Berbera, Gabiley, Salaxley iyo Balligubadle.

Kulan hawleedkaasi oo ay soo soo agaasintay Waaxda Fayo-dhowrka Deegaanka iyo Bilicda magaalooyinka ee wasaaradda deegaanka ayaa noqon doona mid taxane ah oo degmooyinka dalka la gaadhsiin doono.

Kaasoo wacyigalin iyo tababar lagu siinayo qaar ka mid ah shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka iyo Guddiyada xaafadaha degmooyinka kala duwan ee ku kala yaalla degmooyinka tababarka loo furay.

Waxaana furitaanka kulankaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka socday hay’adda UNDP, agaasime waaxeedyadda wasaaradda deegaanka, shaqaalaha ka hawl gala dawladaha hoose ee degmooyinka Hargeysa, Berbera, Gabiley, Salaxley iyo Balligubadle.

Sidoo kale waxaa kulan hawleedkaasi ka soo qayb galay saraakiil ka socday mashruuca JPLG oo ay wada shaqeeyaan dawladaha hoose ee Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo kulan hawleedkaasi furey ayaa sheegay in u jeedada laga leeyahay shirkaasi ay tahay im faham fiican laga siiyo dawladaha hoose ee dalka ilaalinta deegaanka iyo dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimiladda.

Iyadoo la rejaynayo in kulanka inuu ka unkamo xidhiidh wada shaqayneed oo dhex mara bulshadda, dawladaha hoose, iyo xukuumadda dhexe oo ay wakiil ka tahay wasaaradda deegaanku.

Waxaanu yidhi, “Kulankani wuxuu ka mid yahay barnaamijyo taxane ah, oo degmooyinka dalka aanu doonayno in aanu ku fahamsiino, ama aanu siinno wacyigelin la xidhiidha ilaalinta deegaanka iyo in ay faham fiican ka qaataan isbedelka cimiladda.

Waxa kaloo iyana muhiimadeedda leh, in kulan hawleedkani ay ka soo baxdo, ama uu ka unkamo xidhiidh wada shaqayneed oo dhex maraya bulshadii, dawladaha hoose, iyo dawladii dhexe, oo aanu anagu (wasaaradda deegaanka) wakiil ka nahay.

Haddii intaasi ay wada shaqeeyaan mushkiladii waa la xalin karaa”.

Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa ka qayb galeyaasha kula dar-daarmay in wxyaabaha ay kulanka ka bartaan ay ku maamulaan nidaamka fayo-dhawrka degmooyinka ay kala kala socdaan.

“Waxaan idinkula dar-daarmayaa, dhamaantiinba, oo aad idinku adkaynayaa, in aad ka faa’iidaysataan caaharada aad halkan ku qaadanaysaan” ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Ducaale.

 

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda degaanka ayaa tilmaamay in dalkeenna degaankiisu uu marka horeba la ciir-ciirayay dhibaatooyin inoo gaar ah oo aynu inagu sababteeda keenay.

Hase yeeshee, ay dhibaatadaasi hore u jirtay ku soo korodhay waxyeeladda ka dhalatay isbedelka cimiladda adduunka.

Waxaanu yidhi, “Arrinta isbedelka cimiladfa, inaga marka horeba deegaankeenu dhibaatooyin inoo gaar ah ayuu la ciir-ciirayay, oo aynu inagu gacmaheenna ku samaynay. Ama dhirtii aynu jarno, ama aynu xaalufin ku samayno, ama dhul-daaqsimeedkii oo la kala xidh-xidhay, markaa inaga markii horeba dhibaatooyin deegaan oo inoo gaar ah baa ina haystay.

Hada na waxaa adduunka ku soo kordhay, wax la yidhaahdo isbedel cimillo, oo sababta keentay dhibaatadiisa aynaan inagu qayb ka ahayn, kaasoo wadamadda wershadaha ka horumaray ay wasakheeyeen Hawadii.

Dabadeedna iyadoo caqabadihii yimid, iyo saamaynteedii ayaa inaga inna soo gaadhay. Markaa haddii aynu innagu na dhibkaa jira, mid kale ugu sii darno deega

 

 

Leave a Reply