Cawaaqib Xumada Dadka Hadalka Xumaanta ah faafiya

0
321

Hadal xumadu waa wax la liiday oo ay diidey diinta islaamku, carabku waa seef meesha uu gooyo aanu dhakhtarku xitaa dhayi Karin, dadkuna way ku kala dhintaan hadal xumada iyo erayada gefka ah.

Bari baa waxa la yidhi gabadh baa nin ay jaar ahaayeen ceebaysay oo cid walba ku tidhi hebel waa tuug, markii danbe ayey boolisku xidheen markii uu mudo jeelkii ku jirey ayay cadaatey inaanu waxna dhimin waxna xadin oo layska soo daayey.

Dabadeed gabadhii ayaa maxkamadii looga yeedhay si danbigaa been abuurka ah loogu qaado, waxa ay ku andacootey inaanay waxba gaysan balse ay nin kaliya ay wax ka sheegtay.

Ninkii qaadiga ahaa oo runtii nin  caqli u saaxiib ahaa ayaa ku yidhi orod oo gurigaagi tag dabadeed warqado soo qaad wax kasta oo aad ninkaa ka sheegtayna ku qor, dabadeed jeex-jeex oo kidif ka dibna ku daadi laamiyada, sidii ayey yeeshay xiligii balantu ahaydna way soo noqtay si ay ugu sheegto inay fulisay wixii uu faray, qaadigii wuxu ku yidhi Berri waraaqihii aad jeex-jeexday soo ururi oo ii keen, gabadhiii intay yaabtay ayey ku tidhi Qaadigii oo sideen u keeni karaa dabayshaa midba meel gaysee xataa lagama yaabo inaan xabad kaliya soo helo.

Waxa uu ugu jawaabey hadaba hadalkaagiina waa sidaas oo kale meel walba wuu ka dhacay cidkastana way maqashay, ninkaana sumcadiisii iyo sharaftiisi waadiga xumeeyay oo soo noqosho maleh, halkii ayaa gabadhii loogu xukumay sanad xadhig ah.

waxaan kugu boorinayaa inaad iska jirtid faafinta wararka aan sal iyo raad toona lahayn, iyo ceebaynta dadka aanad aqoonta u lahayn, kaad taqaanid xataa xumihiisa waa inaad u asturtaa sidaasina waa siday diinteena suubani ina farayso.

Leave a Reply