Murannada Siyaasadda iyo Saamaynta Taban ee ay ku Yeesheen Nolosha iyo Horumarka Dadka iyo Dalka : qaybtii: 2-aad: Xuseen Dayr

0
258

Is-maandhaafka Siyaasadda ee soo noq-noqday wuxuu saamayn taban ku yeeshay:

Xagga wadajirka, is-aaminka iyo is-dhexgalka bulshada,

Heerka kalsoonida Shacabku ay ku qabaan nidaamka Xisbiyada badan iyo Dimuqraadiyadda,

Xagga koboca dhaqaalaha dalka,

Muuqaalka khaldan ee ay bulshada caalamku ka qaadan karaan xagga amniga, xasiloonida iyo degenaanshaha siyaasadeed ee ka jira dalka Somaliland.

Qormadii 1-aad (29.9.2022) waxaynu tilmaanay saamaynta ay Murannada Siyaasaddu ku yeesheen nolosha bulshada Somaliland iyo arrimaha ka dhashay oo ay ka mid yihiin:

(1) Niyad-jab ku yimid bulshada oo ah xagga nidaamka Dimuqraadiyadda iyo Xisbiyada badan,

(2) Kala qaybsanaanta bulshada iyo ku dhaqanka qabyaaladda oo kordhay,

(3) Muranada Siyaasaddu waxay kala qaybiyeen Bulshada Qurba-Jooga Somaliland,

Qaybta 2-aad ee maqaalkan waxaynu ku falanqayn doonaa saamaynta ay Murannada Siyaasaddu ku yeesheen DHAQAALAHA iyo HORUMARKA dalka. Arrimaha ka dhashayna waxa ka mid ah:

1) KALSOONI DARRO BULSHO OO AH XAGGA KOBOCA DHAQAALAHA IYO HORUMARKA DALKA:

Muranada Siyaasadda ee soo noq-noqday waxay Shacabka Somaliland (gudaha iyo dibebadaba) ku abuureen walaac, shaki iyo jawi ah kalsooni darro bulsho oo la xidhiidha xagga koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalka (less /lack of confidence in country’s economic outlook and development). Taasina waxay hoos u dhigtay awoodda wax iibsiga muwaadiniinta, tasa-rufka, is-aaminka iyo wax-is-dhaafsiga bulshada dhexdeeda iyo weliba hab-sami-u-socodka ganacsiga dalka (decline in consumer confidence,  purchasing power or willingness to spend money).

2) HOOS-U-DHACA MAALGASHIGA DALKA:

Is-maandhaafka Siyaasadda ee soo jiitamay wuxuu guud ahaanba hoos u dhigay isla markaana uu walaac galiyey maalgashiga noocyada badan leh ee ay sameeyaan muwaadiniinta Somaliland ee gudaha dalka iyo Bulshada Qurba-Jooga (domestic /local investment). Dad badan oo is lahaa aad dalkiina maalgashataan dib bay uga joogsadeen, maadaama jawiga Siyaasadda ee dalku uu u muuqdo mid aan dhiirri gelinayn maalgashiga. Sidoo kale, waxa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in dadka qaarkood lacagtii u taalay bangiyada dalka ay dibebadda u saareen.

Sidoo kale, xaaladaha taagani waxay hakad geliyeen maalgashiga tooska ah ee ay dalkeena ku maalgashan lahaayeen Shirkadaha iyo Maal-qabeenada Shisheeye (direct foreign investment).

3) HOOS-U-DHACA SUUQA DHISMAHA IYO IIBKA HANTIDA DHULKA:

Kolba xayliga ay ku socdaan Suuqyada dhismaha guryaha iyo iibka hantida dhulku waxay halbeeg dhab ah u yihiin heerka uu joogo kalsoonida ay bulshadu ku qabaan amniga iyo xasiloonida dalka, koboca dhaqaalaha iyo weliba degenaanshaha xagga siyaasadda ee ka jirta dalka. Murannada Siyaasadda ee soo noq-noqday waxay shaki iyo walaac galiyeen dhaq-dhaaaqa suuqyada dhismaha guryaha iyo iibka hantida dhulka, oo ah labada meelood ee ay ku jirto lacagta iyo hantida ugu badan ee ay leeyihiin ummadda Somaliland.

Taasina waxay saamayn xun ku yeelatay silsiladii adeega dhismaha guryaha iyo iibka dhulka heer kastaba. Waxa hakad galay soo dejinta iyo iibka qalabka dhismaha iyo ganacsiga kale ee ku ladhan. Sidoo kale, waxa iyaguna hoos u dhacay shaqooyinkii ay qaban jireen dadka muruq-maalka aha ee ay nolol maalmeedkoodu tooska ugu xidhnayd dhaqdhaaaqa suuqyada dhismaha iyo ganacsiga dhulka.

 

LA SOCO QAYBTA 3-AAD EE MAQAALKAN IN SHA ALLAH WAXAYNU KU FALANQAYN DOONAA SAAMAYNTA AY MURANNADA SIYAASADDU KU YEESHEEN HAYBADDA QARANKA IYO DAWLADNIMADA

 

Leave a Reply