Ancelotti oo Shaaciyey Waqtiga uu ka Tegayo Real & Saddexda Tabobare ee u Sharraxan Beddelkiisa

0
195

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kala xulanaysa saddex tababare oo ay ku beddelayso Carlo Ancelotti oo laba maalmood ka hor shaaciyey waqtiga uu ka tegayo Santiago Bernabeu oo uu laba xilli-ciyaareed soo maamulay, isla markaana u qaaday horyaalka LaLiga, Champions League iyo koobab kale.

Ancelotti ayaa kalsooni badan ka haysta madaxweyne Florentino Perez, balse waxa uu doonayaa in uu ka ambobaxo Santiago Bernabeu xataa haddii uu sii haysto kalsoonida ay ciyaartoyda iyo maamulku ku qabaan.

63 jirkan ayaa la sheegay in uu haysto damaanad mustaqbal oo kooxdan ah, balse waxa uu dhinaca kale ogyahay xumadda iyo cadaadiska fuuli doona haddii aanu keenin koobab oo shaqada laga caydhin doono.

“Qorshaygu waa in aan xilli ciyaareedkan dhamaysto… Kaddib waan eegi doonaa in aan sii joogo sannad labaad iyo in kale.” ayuu yidhi Ancelotti oo Axaddii la hadlayay saxaafadda.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, Real Madrid ayaa beddelka Ancelotti u xulatay saddex tababare oo uu kaalinta koowaad ku jiro Julian Nagelsmann oo ah macallinka Bayern Munich oo ay da’diisu tahay 35 jir, isla markaana kooxo waaweyn maamulay iyadoo ciyaartoyda qaarkood ka weyn yihiin. Sannadkii 2020 ayuu RB Leipzig keenay semi-finalka Champions League ka  hor intii aanu tegin Bayern Munich oo uu u qaaday horyaalka Bundesliga.

Waxa kale oo liiskan ku jira alabada halyey ee Real Madrid ee Raul Gonzalez oo aha tababaraha kooxda da’yarta  Real Madrid ee Castilla iyo Xabi Alonso oo isaguna layliya da’yarta  Real Sociedad.

Leave a Reply