Wasaaradd Maaliyadda oo aqoon-korodhsi siyaasada Qaran ee Cashuuraha u xidhay Saraakiil

0
227

Mohamoud Walaaleye

Hargeysa-(Dawan) Wasiir-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa ku dardaarantay hawlwadeenada Wasaaradda Maaliyaddu inay dhaqangeliyaan siyaasada Cashuuraha Somaliland oo hadafkeedu yahay balaadhinta ilaha dakhliga Cashuuraha Berriga.

Marwo Rooda oo hadal ka jeedisay xidhitaanka tababar laba maalmood u socday saraakiil ka tirsan Maaliyadda oo la xidhiidhay siyaasada Cashuuraha Somaliland ayaa kula dardaarantay inay aqoonta u gudbiyaan shaqaalaha ay wada shaqeeyaan.

Wasiir-xigeenka Maaliyadda Marwo Rooda ayaa sheegay inay muhiim tahay in hawlwadeenada Wasaarada Maaliyadu aqoon u yeeshaan siyaasadaha Cashuuraha Somaliland.

“Casriyeynta Wasaarada Maaliyadda marwalba kuma koobna in cashuur-bixiyaha loo fududeeyo adeegyada, balse sidoo kale shaqaalaha loo fududeeyo sidii ay waajibkooda u gudan lahaayeen.’ Ayey tidhi Marwo Rooda.

Marwo Rooda ayaa sheegtay in qorshayaasha uu xambaarsan yahay siyaasada cashuuraha Somaliland ee u baahan dhaqangelintiisu qeyb ka tahay sidii loo soo koobi lahaa ku tiirsanaanta cashuuraha kastamada, loona balaadhin lahaa ilaha dakhli ee Cashuuraha Berriga.

Waxay kula dardaarantay hawlwadeenada Wasaarada Maaliyadda in la gaadhi karo yoolka 50% in dakhliga cashuurahu gaadhaan, halka xilligan ay marayaan 20% hadii wadajir looga midhodhaliyo hadafka Wasaarada Maaliyadda.

 

 

Leave a Reply