Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Dhagax-dhigay Aagga Wershadaha Gobolka Maroodi-jeex

0
220

Hargeysa-(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhagax dhigay aaga Wershadaha ee Gobolka Maroodi Jeex, munaasibad ka qabsoontay goobta loo qorsheeyey ee  Bariga Hargeysa.

 

Munaasibad shalay la qabtay oo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Maayarka Caasimada Hargeysa, ka qaybgaleen ayaa Wasiir Kaahin oo ka hadlay ayuu sharaxaad kaga bixiyey muhiimada ay Qaran ahaan inoo leeyihiin Wershaduhu, kuwaasoo qayb wayn ka qaata waxyaabaha wadamadu ku kala hormaraan, isagoo Wasiirku u mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha iyo Maayirka Caasimada Hargeysa.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha  Mudane. Kaahin ayaa dhinaca kale ka warramay khayraadka waddankeena ku jira, sida macdanta, shiidaalka, beeraha iyo xoolaha, waxaanu ugu baaqay bulshada inay ka faa’iidaystaan khayraadka dalka ku duugan,

 

Wuxuu sheegay in Buuraha, meelaha jeex jeexan iyo Dooxyada, ay dawladdu leedahay, cid gaar u sheegan kartana aanu jirin.

 

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in ay meel aad u fiican marayso sahaminta shiidaalka ee Gobolka Saraar, ee shirkada Genel Energy hogaaminayso taasoo maraysa halkii ugu danbaysay, guul aad wayna u tahay dalka iyo dadkeena. dhinaca kale waxuu sheegay in Ceelkii laga qodayey Sallaxley uu u dhowyahay in goobtaa uu shidaal ku jiro, Wasaaradda Macdanta ayaana gacanta ku hayso.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply