Somaliland iyo Taiwan waxay ka Midaysan yihiin Dimuquraadiyadda, Sarreynta Sharciga iyo Xuquuqal-insaanka” Wasiir-xigeenka Dibedda

0
195

Hargeysa-(Dawan):- Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda Mudane.Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Somaliland iyo Taiwan ka midaysan yihiin dimoqraadiyada, sarreynta sharciga iyo xuquuqal-insaanka.

 

Md Cabdinaasir oo qudbad ka jeediyey munaasibadii sannadguurada 111aad ee maalinta qaranimada dalka Taiwan ayaa yidhi

 

“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa sharaf weyn ii ah in aan hambalyo kal iyo laab ah u diro shacabka iyo dawladda Taiwan munaasibadda sannadguurada 111aad ee maalinta Qaranimadooda.

 

Taiwan waa dal saaxiib iyo isku aragti nahay oo u taagan xoojinta nidaamka dimoqraadiga, sarreynta sharciga, cadaaladda iyo xuquuqul insaanka.”

 

Wasiir-xigeen Cabdinaasir oo sharraxaad ka bixinayey nooca xidhiidh ee labada wadan ayaa sheegay in Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland uu ka dhexeeya xidhiidh ixtiraam leh, himilo badan oo wadaag ah.

 

Waxuu sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay casharo wanaagsan ka barato Taiwan,

“Horumarka Tignoolajiyada ee Taiwan iyo kacaankeeda wershadaha, waxuu fure u noqnayaa hiigsiga Somaliland ee dhismaha kaabeyaal dhaqaale cusub si ay toos ugu quudiyaan habab ganacsi oo heer gobol iyo heer caalami ah.

 

Xukuumada iyo shacbigu waxay si weyn uga mahadcelinayaan mucaawinada iyo taageerada balaadhan ee dawladda iyo shacabka Taiwan u fidiyeen Somaliland labadii sannadood ee u dambeeyay, sida taageerada doorashooyinkeena iyo maamul wanaaga, balaadhinta helitaanka macluumaadka iyo tignoolajiyada isgaadhsiinta, waxbarashada, kobcinta warshadeena macdanta iyo tamarta, bixinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah iyo qaybo kale oo badan.” ayuu sheegay Md. Cabdinaasir.

 

 

Leave a Reply