Wasiirka Beeraha oo ugu Baaqay Beeralayda in ay ka Faa’iidaystaan Biyaha Roobka.

0
685

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa ugu baaqay  Beeralayda in ay ka  faa,iidaystaan biyaha Roobka.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Shalay u Waramayay Warbaahinta Qaranka  ayaa uu tilmaamay in Saadaasha Roobka iyo Cimilada  kala socdaan 62 goobood oo dalka ku yaala,waxaana uu intaasi ku daray in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay Roobkii karanta ka da, ayay  Gobalada Galbeedka.

Cabdiqaadir Iimaan oo ka hadlayay Roobabka dalka ka da,ay Waxa uu yidhi.”Roobab wanaagsan ayaa dalka ka da,ay abaartiina way inaga soo jabtay Wasaarada Beeraha waxa ay leedahay 62 goobood oo saadaasha Roobka,waxaana ay ku yaalaan Gobalada dalka.waxaana lagula socdaa Cimilada haday kulal tahay hadii Roob da, ayo dhumuc diisu inta ay dhamayd iyo digniinta marka Roobabka waa weyni da, ayaan,roobkii karanta ayaana da, ayay Saddexdii bilood ee ugu dambeeyay  laga soo bilaabo bishii  July August iyo September  Gobalada Galbeedka ayuu Roobkii  karanta ka da, ayay.waxaana wax badan badalay Cimilada roobku wakhtigii uu di i jiray wuu is badalay wakhtigii la fili jiray dib ayuu uga dhacaa ama wuu ka soo hor maraa, jahwareer ayaa ku dhacay dadkii beeralayda ahaa  waxaana aanu doonaynaa in ay  Cimilada la socdaan Beeralayda,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay in Roobkii dayrta ka curtay Gobalada Bariga ee dalka.Waxaana uu yidhi”Waxa inoo  bilaabmay  Roobkii dayrta oo ka da,aya  Gobalada Bari ee abaaruhu ka jireen,waana lagu qabawsaday  waana in biyaha roobka  la qabsado oo  togaga laga weecsado.waana in Beeraha la beerto waana in lala socdo saadaasha Roobka ee toddobaad kiiba mar aanu sheegi doono, tiimam ayaanu u diri doonaa beeralayda oo xog ururin ka soo samayn doona  sida Beeraha u baxeen,waxaana aanu bilownay la dagaalanka  diir ka dhalatay Gobalada Galbeedka waana in laga faa,iidaysto roobabka,”.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply