Hargeysa-(Dawan):-Xukuumada ayaa bulshada ugu baaqday inay ka digtoonaadaan isticmaalka sharoobooyinka caruurta ee caalamku ka digay, shirkadaha dawooyinkana aanay dalka keenin
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Md Xasan Maxamed Cali (gaafaadhi) oo kulan la qaatay Ururka shirkadaha soo dajiya Daawooyinka ee Diiwa ayaa kula dardaarmay inay daawooyin tayadoodu sarreyso bulshada ka iibiyaan.
Kulanka oo Wasiir Gaafaadhi ay ku wehelinayeen Gudoomiyaha Hay’adda dhawrista Tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, Agaasimaha guud ee Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii layskula eegi lahaa waxna layskaga Waydiin lahaa sharooboyinka caruuta oo maalmihii u dambaysay Hay’adda Caafimaadka aduunka ee (WHO) caalamka uuga digaysay.
Gudoomiyaha Ururka Daawooyinka ee Diiwa ayaa Wasaaradda Caafimaadka u cadeeyay in aanay wax xidhiidh la lahayn shirkada Hindiya ee daawooyinka halista soo saara, isla markaana aanay daawooyin ka soo iibsan.
Gudoomiyaha Hay’adda dhawrista Tayadda Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ay baadhis buuxda ku samaynayaan dhammaan dalka gudihiisa, Bulshadana ugu baaqay in ay lasoo socodsiiyan hadii daawooyinka halsita ah ay la kulmaan hay’adaha ay khusayso ee Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adda Tayada.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa bulshada u sheegay in Shirkadan hindiya (maiden pharmaceuticals) soo saartay sharoobooyinka xadigii loogu talo galay ka badan, taasina keentay halista manta caalamka oo dhan laga digay, waxaanu ku baaqay in feejignaan bulshadu u yeelato kana fogaato isticmaalkooda.